Jabuuti: Gudoomiyaha Baanka Dhexe oo Shirweynaha Dhaqaalaha Islaamka lagu Casuumay

0
387

Jabuuti-(Dawan):- Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Dr. Cali Cabdilaahi Daahir oo ka qaybgalay shirweynaha 12-aad ee Dhaqaalaha Islaamka ayaa sheegay in faa’iidooyinka bangiyadda islaamigu wakhtigan caalamku ku baraarugay.

Dr Cali oo hadal ka jeediyey shirweynaha oo lagu qabtay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa sheegay in Somaliland yahay dalka keliya ee Dastuurkiisa lagu bayaamiyey in Bangiyadda Islaamiga ahi ka shaqeyn karaan, lagana ogolayn kuwa ribada ku shaqeeya.

Wuxuu sheegay in tobankii sannadood ee u dambeeyey Baanka dhexe ee Somaliland ka qaatay door weyn koboca dhaqaalaha dalka iyo bangiyada gaarka loo leeyahay.

Ka qeybgalka shirweynaha ayuu sheegay Dr Cali inay kaalin ka qaadanayso sidii loo kobcin lahaa, loo tayeyn lahaa, loona caalamiyeyn lahaa hay’adaha dhaqaalaha.

Dr Cali ayaa sheegay in kaalinta bangiyadda islaamigu ku leeyahiin caalamka ay xilligan garwosadeen bangiyadii waaweynaa ee caalamka.

Shirweynaha 12-aad ee Dhaqaalaha Islaamka oo ay si weyn uga soo qeyb galeen, Madaxweynaha Jabuuti, Raysal-wasaare-yaasha Jabuuti & Itoobiya, safiiro, wasiirro sare, xubno ka tirsan golaha wasiirada 26 waddan, hay’adaha caalamiga ah, shaqsiyaad maxalli ah iyo kuwo caalami ah.

 

Leave a Reply