Maskaxdiisa Waxa Ka Buuxay Aar-gudasho!

0
390

Markii uu xukunka dalkiisa la wareegay sanadkii 1934 , isagoo dalkiisa ay saarayd cadaadiska dawladaha kaga adkaaday dagaalkii 1aad, haddana waxa uu muddo yar ka dhigay dal ka dhisan dhinaca wershadaha iyo ciidankaba. Ninkaasi waxa uu ahaa Adolf Hitler oo ahaa nin kibir badan oo dunida ku riday yaab iyo argagax.

Wakhti kooban ayuu ku noqday hogaamiye laga baqdo iyo quwad cabsi ku haysa dalalkii awoodda is bidiyay.

Hitler nolosha dadku qiimo lama lahayn waxaana dhacdooyinkiisa yaabka leh ka mid ah markii uu ku xukumay 20 sano gabadh dhakhtarad u ahayd, sababta xadhiga gabadha ayaa lagu sheegay inay ahayd markii dawladda Ruushku ogaatay inay isaga dhakhtarad u tahay.

 

Hitler wuxu lahaa ciidan maleeshiyo ah oo lagu magacaabi jiray Duufaan,” storm troopers” kuwaasi oo dhalinyaradii Jarmalka ahayd ee aan doonayn inay dagaalkii labaad ka qayb galaan soo ururin jiray. Marka ay soo qabtaan ayay iyagu deldeli jireen, ka dibna maydkiisa dul dhigi jireen boodh ay ku qoreen Khaayin.

Leave a Reply