Arsenal oo Gumaad ay u Geysatay Brentford Kula Wareegtay Hoggaanka Horyaalka Premier League

0
265

Kooxda  kubadda cagta Arsenal ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay ka riixatay Manchester City iyo Tottenham oo Sabtidii si ku-meelgaadh ah ugu sii fadhiistay booska ugu sarreeya. Gunners ayaa 3-0 kusoo garaacday kooxda ay isku magaalada yihiin ee Brentford oo ay marti u ahayd, waxaanay sidaas kusoo ceshatay hoggaanka ay saddexda toddobaad iyo dheerkaadka hayeen.

Laba gool oo qaybtii hore ay madax ku dhaliyeen William Saliba iyo Gbariel Jesus ayaa waxa mid saddexaad oo aad u qurux badnaa ku daray saxeexa cusub ee Fabio Vieira oo bannaanka kaga toogtay darbad awood badan, waxaanay Gunners sidaas ku xaqiijisatay saddexda dhibcood ee kulanka, iyadoo yeelatay 18 dhibcood, halka Man City iyo Spurs ay min 17 dhibcood haystaan.

Arsenal oo si xooggan ku bilaabatay ciyaarta ayaa taxadar dheeraad ah ka samaynaynaysay weerarka orodka badan ee Brentford ee nasasho la’aanta ku rida kooxaha, waxaanay tusaale ka dhigteen naadiyadii waaweynaa ee ay hore uga soo takhaluseen.

Mikel Arteta oo waxyar ka hor ciyaarta xaqiijiyey dhaawaca Martin Odegaard oo walaac ku abuuray taageereyaasha ayaa waxa hoggaanka u dhiibay difaaca reer France ee William Saliba oo koorne uu soo qaaday Bukayo Saka ku qabtay madax awood badan, taas oo uu goolhaye Raya awoodi waayey in uu xataa tiigsan karo si uu u badbaadiyo.

Goolkan ayaa noqday midkii labaad ee Premier League ah ee uu dhaliyo William Saliba oo ay u tahay xilli ciyaareedkii koowaad ee uu u safanayo Arsenal kulan ka tirsan Premier League, kaddib markii uu amaaho kusoo qaatay horyaalka Faransiiska xilli ciyaareedyadii tegay. Bukayo Saka ayaa isaguna ka qayb qaatay afar gool afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka ee kooxdiisa.

Arsenal oo khadka dhexe ay u taagnaayeen Granit Xhaka, Thomas Partey iyo Fabio Vieira ayaa u diiday kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayay ee Brentford in ay wax hal-abuur ah ka samayso khadka dhexe, taas oo keentay in kubadda la gaadhsiin waayo weeraryahannada halista badan ee Ivan Toney iyo Bryan Mbeumo oo inta badan go’doon ku ahaa meel ay adkayd in kubadda loogu keeno.

Weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa Arsenal daqiiqaddii 28aad, waxaana uu madax awood badan oo uu goolhayaha ka fogeeyey uu ku qabtay kubbad uu dhinaca bidix uga soo qaaday Granit Xhaka. Goolhaye Raya ayaa isku tuuray kubadda hase yeeshee aad ayay uga fogeyd, waanu joojin kari waayey.

Bretford ayaa isku dayday in ay u dagaallanto sidii ay u keeni lahayd goolal ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, hase yeeshee way u suurtogeli weyday.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Arsenal sii dheeraysatay hoggaanka waxaana gool qurux badan oo uu bannaanka ka toogtay u dhaliyey Fabio Vieira oo ay u ahayd ciyaartiisii koowaad ee Premier League ah ee uu ugu soo bilowdo Arsenal.

Gabriel Jesus ayaa laba jeer uu nasiibku diiday oo goolhayuhu ka joojiyey kubbado loo qaatay in ay goolal yihiin, hase yeeshee laacibka taageereyaashu u kaceen ee yaddana nasiibku diiday waxa uu ahaa Bukayo Saka oo kubbad uu masaafo dhow ka laaday oo uu dhinaca birta toogtay uu goolhaye Raya isku tuuray oo uu koorne u saaray.

Difaaca dhexe ee Arsenal ee Gabriel ayuu hunguri ka galay goolka markii ay kooxdiisu saddexda gool xaqiijisatay, waxaana darbad uu meel fog ka toogtay uu waxyar u marsiiyey goolka oo waliba Raya ka baxsanaa tallaabooyin.

Arsenal ayay guushu ku raacday 3-0, waxaanay yeelatay 18 dhibcood, iyadoo sidaas hoggaanka Premier League dib ugala soo noqotay Manchester City iyo Tottenham oo min 17 dhibcood haysta.

Leave a Reply