Liverpool oo Heshay Mucjiso Gool-dhaliye ah & Kalsooni uu Klopp Kusoo Dhaweeyey

0
229

Jurgen Klopp ayaa kalsooni badan siiyey mucjisada goolasha da’yarta Liverpool ee Oakley Cannonieroo ahaa geesigii ku suntanaa habeenkii taariikhiga ahaa ee Liverpool ay semi-finalka ku garaacday Barcelona, waxaana hadda laacibkan loosoo dallacsiiyey kooxda koowaad.

Sannadkii 2019 ayuu Oakley Cannonier isku qoray quluubta taageereyaasha kooxdiisa oo liiska halyeeyada lagu daray markii uu Trent Alexander-Arnold si degdeg ah ugu dhiibay kubbadda koornihii uu Divock Origi ku khaarajiyey Barcelona.

Oakley Cannonier oo ay da’diisu tahay 19 jir ayaa noqday weeraryahan cajiib ah oo ku fiican dhalinta goolasha, waxaana uu saddexlay ka  dhaliyey ciyaartii da’yarta Champions League ee ay Liveprool 4-0 ku karbaashtay Ajax ee ka dhacday Kirkby toddobaadkii hore. Waxa kale oo uu Oakley Cannonier ahaa ciyaartoygii goolka guusha u dhaliyey Liverpool kulankii da’yarta Napoli ay ku jiidheen 2-1.

Afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee da’yarta Champions League ayuu shan gool dhaliyey, waxaana uu kalsooni badan ka helay Jurgen Klopp oo ansixiyey in loosoo dallacsiiyo kooxda koowaad, si uu tababarka ula qaato, looguna carbiyo in xilli ciyaareedyada soo socda uu si rasmi ah uga tirsanaado kooxda waaweyn.

Xilli ciyaareedkii hore ayuu dhaliyey 33 gool oo dhamaan tartamada ah, mana jirin ciyaartoy kale oo Liverpool ah oo xataa kooxda koowaad ah oo tiro goolal intaas le’eg ah dhaliyey.

Connonier ayaa ka mid noqday ciyaartoyda da’yarta ah ee Liverpool ay ciyaarsiin karto UEFA Champions League, iyadoo horena laacibiinta ay isku heerka yihiin ee Luke Chambers iyo Isaac Mabaya ay kulamo kooxda koowaad ah u ciyaareen.

In Cannonier uu kasoo muuqdo kooxda koowaad oo uu tababarka la qaato sida Isaac Mabaya oo dhawr ciyaaarood dheelay iyo Chambers, waxa lagu tilmaamay in ay tahay tallaabo da’yarkan loogu carbinayo sidii uu kooxda koowaad uga mid noqon lahaa waqti aann fogeyn.

 

Leave a Reply