Hargeysa(Dawan):-Siyaasi Axmed Cabdale Digaale ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Boqor Cismaan AwMaxamuud Buurmdaw, waxaanu sheegay in aanu burburin karin dalka Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw,waxaanu xusay in Somaliland ay soo dhaaftay wakhtigii hanjabaad wax loogu dhimi karayay Dawladnimadeeda.
Qoraal uu soo saaray Siyaasiga Axmed Digaale ayaa nasiib darro ku tilmaamay in shakhsi Madaxdhaqameed sheeganaya ay ka soo yeedhaan hadallo wax loogu dhimayo Nabedgalyada dalka.waxaana uu usoo jeediyay Buurmadaw in uu ka waantoobo dhawaaqyada ka soo yeedhay.
Siyaasiga Axmed Cabdale ayaa sheegay in Madaxdhaqameedka loo doortay danaha reeraha ee aanay shaqadooda ahayn in ay faraha la soo galaan arimaha Siyaasada.