Cristiano Ronaldo oo Shaaciyey Waqtiga uu ka Fadhiisanayo Ciyaaraha Caalamiga ah

0
420

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa kusii jiri doona garoomada oo ciyaari doona laba tartan oo waaweyn oo caalami ah, ka hor inta aanu go’aansanin in uu tiiriyo kabaha xulka qarankiisa Portugal oo uu ka fadhiisto ciyaaraha.

Cristiano Ronaldo oo 37 jir ah ayaa sheegay in uu doonayo in uu xulka qarankiisa u ciyaaro tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 lagu qaban doono waddanka Germany, iyadoo marka horena uu dadaalkii ugu dambeeyey u geli doono sidii uu xulkiisa uga caawin lahaa Koobka Adduunka ee dhamaadka sannadkan.

Ronaldo oo inta badan kursiga kaydka ee Manchester United ku jiray xilli ciyaareedkan, ayaa waxa hore hammigiisa u ahaa in uu ciyaaro Koobka Adduunka ee sannadkan, hase yeeshee waxa uu hadda shiishkiisu saaran yahay Euro 2024 oo laba sannadood ka hadhsan yihiin, waqtigaas oo ay da’diisu noqon doonto 39 jir.

Ronaldo oo shan jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or oo warbaahinta la hadlayay ayaa la weydiiyey waqtiga uu ka fadhiisanayo ciyaaraha caalamiga ah, waxaanu ku jawaabay sidan: “Waxa aan rajaynayaa in aan sannado yar oo kale kusii jirayo xidhiidhka kubadda cagta Portugal. Wali waxa aan dareemayaa in aan dhiirigelin haysto, damacayguna sarreeya.

“Tubtaydii xulka qaranku ma dhamaanin. Waxa aanu haysanaa ciyaartooyo badan oo ah da’yar tayadoodu sarrayso, aniguna waxa aan doonayaa in aan ciyaaro Koobka Adduunka iyo sidoo kale tartanka qaramada Yurub.”

Cristiaano Ronaldo oo xulka dalkiisa kula guuleystay Euro 2016 ayaa sidoo kale qirtay in aanu ku fikiri doonin in uu Koob Adduun oo kale ciyaaro marka uu sannadkan dalkiisa u hoggaamiyo Qatar, waxaanu yidhi: “Dabcan waxa aan rajaynayaa in Qatar ay noqon doonto Koobkii Adduunka ee iigu dambeeyey.’

Leave a Reply