Sergio Busquets oo Xaqiijiyey inuu ka Tegayo Barca iyo Kooxda uu Albaabada u Furay

0
196

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa xaqiijiyey, in uu ka tegayo kooxdiisa marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda, isaga oo dhinaca kalena aqbalay dalab uga yimid naadi kale oo uu doonayo in uu dhawr sannadood usii ciyaaro ka hor inta aanu kabaha tiirinin ee aanu ka fadhiisanin guud ahaanba kubadda cagta.

34 jirkan oo qandaraaskiisa Camp Nou uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa la sheegay in uu waayihiisa Barcelona ee soo bilowday xilligii Pep Guardiola ee 2008 uu halkaa kusoo afjari doono.

Sergio Busquets ayaa go’aankiisa gaadhay, sida uu qoray wargeyska Forbes, markii uu arkay xaaladaha ay ku sugan yihiin saaxiibbadiisa ay waqtiga dheer soo wada joogeen Camp Nou ee Gerard Pique iyo Jordi Alba oo kursiga kaydka u dhaadhacay, waxaana uu go’aansaday in uu ka tago kooxda inta aanay ku dhicin xaalad sidaas oo kale ah.

Warka ayaa intaa ku daray, in Sergio Busquets oo wali ah dookha koowaad ee Xavi ee khadka dhexe, in uu dareemayo in durba waqtigiisu soo yaraanayo oo saddex kulan lagu beddelay Frenkie de Jong oo uu Xavi u arko laacibka booskaas beddeli karaya.

Arbacadii shalay ayaa waxa bogga hore ee wargeyska SPORT ee kasoo baxa waddanka Spain lagu daabacay, in Busquets uu go’aansaday in uu iskaga tago Barcelona marka la gaadho June 30, waxaana uu geesta kale aqbalay dalab uga yimid kooxda reer Maraykan ee Inter Miami ee uu iska leeyahay David Beckham, taas oo sidoo kale la sheegayo in ay suurtogal tahay inay ku midoobaan Lionel Messi, Luis Suarez, Gerard Pique iyo Jordi Alba oo dhamaantood looga gacan haadinayo kooxda Inter Miami.

Leave a Reply