Ronaldinho: “Messi maaha ciyaartoyga ugu fiican”

0
230

Halyeyga reer Brazil ee Barcelona ayaa si cad u diiday in uu ogolaado, in saaxiibkiisii Barcelona ee Lionel Messi lagu tilmaamo ciyaartoyga ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta, waxaanu ku dooday in ay jiraan ciyaaryahanno kale oo ka wanaagsanaa isaga.

Xiddiga reer Argentian oo sannadkiisii labaad ku qaadanaya Paris Saint-Germain oo ahayd kooxdii uu kusoo shaac-baxay Ronaldinho ka hor intii aanu u wareegin Barcelona ayaa waxa uu ku guuleystay toddoba jeer abaal-marinta Ballon d’Or ee xiddig ugu fiican dunida, mana jiro ciyaartoy kale oo taariikhda  sidaa sameeyey.

35 jirkan ayaanu shaki ku jirin in la isku raacsan yahay in uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta, laakiin booska uu ka gelayo ayaa ay dooddu tahay, iyadoo toddobaadkanna uu jabiyey rikoodhkii goolasha tooska ah ee aanay ku jirin rikoodheyaashu ee Cristiano Ronaldo.

35 jirkan ayaa muddo 21 sannadood ah oo uu u ciyaaray Barcelona waxa uu la qaaday 35 koob, halka PSG uu iyadana laba koob ka caawiyey in ay ku guuleystaan, iyadoo abaartii koobab la’aanta ee xulka qarankiisana uu kusoo afjaray Copa America 2021 oo sabab ugu noqday in la siiyo xiddiga Adduunka markii toddobaad.

Ronaldinho oo la weydiiyey fikirkiisa la xidhiidha haddii Lionel Messi lagu tilmaamo ciyaartoygii ugu wanaagsanaa dunida ayaa diiday dooddaas, waxaanu ku adkaystay in ay jiraan ciyaartooyo kale oo ka wanaagsanaa, sida Pele iyo Maradona.

“Way adag tahay in lagu sheego isaga, sababtoo ah waxa jira ciyaartooyo kale oo badan. Anigu ma jecli isbarbar-dhigga, laakiin waxa aad haysataa Pele, Maradona iyo kuwo kale oo badan. Ciyaartoy kastaaba waqtigiisii isaga ayaa u fiicnaa.” Ayuu yidhi Ronaldinho.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldinho inho Messi ayaa iska garab ciyaaray muddo afar sannadood ah oo ay ka wada tirsanaayeen Barcelona, waxaanay garoonka Camp Nou wadaageen 80 ciyaarood iyaga oo iska caawiyey sagaal gool.

 

Leave a Reply