10 Waxyaabood Oo Kobciya Iimaanka Qofka

0
477
  1. Tawbada:Bini’aadanka waxaa ka dhaca dambiyo & qaladaad sababta oo ah ma nihin kuwa dhameystiran. Haddaba waa in aad mar kasta Alle dambi dhaaf weydiisataa, si dhab ahna ugu toobad keentaa. Kana fogaataa in aad dambi sameyso.
  2. Salaada:Tuko Shanta salaadood si joogta ah. Ilaali wakhtiga Salaadaha. Baro Axkaamta Salaada.
  3. Quraanka:Akhri Quraanka, Baro macnihiisa, fahan Xikmadaha Alle SWT uu inoogu sheegayo, fuli wax kasta oo Alle ina farayo ee Quraanka ku xusan. Hubi in 24 saac aanay ku dhaafin adigoon Kutubka kala furin oo Quraanka akhriyin
  4. Xuska Alle:Bar carabkaaga Dikriga Alle, kuna celceli mar kasta kelmadahan; Subxaan Allaah, Alxamdulilaah, Allaahu Akbar, Laa ilaaha Illa Allaah, Laa Xawla walaa Quwata ilaa Billaah-hil Caliyil Cadiim.
  5. Alle oo la talo saarto:Eebe waa naxariis badane, sidaa darteed waa in aad talo saarataa mar kasta, naxariistiisa aadan ka quusan. Mar kastana aad Kheyr ka rejayso
  6. Ducada:Alle SWT oo aad barido waa mid ka mid ah siyaabaha loo xoojiyo Iimaanka. Alle waa ka jawaabaa duco kasta oo adoonkiisa ka timaada

Leave a Reply