Ma is leedahay waxa jira wax jidhkaaga aad ku qurxisan karto oo aan ahayn kiimiko?

0
439

Sanadihii u dambeeyey waxa inagu soo badanaayay giriimo iyo kiimikooyin badan oo ay isku dhalan rogaan ama isku cadeeyaan Haweenkeenu kuwaas oo dhibaatooyin badan ku keena jidhkooda sida wajiga oo yeesha haaro ama cas casaan kaas oo aan u adkaysan Karin Qoroxada iyo dabka midna, hadaba waxa ay is waydiintu tahay ma jiraan ama ma la heli karaa wax aan lahayn kiimiko oo kuu qurxin kara wajigaaga iyo jidhkaaga si dabiici ah oo aan dhibaato kaa soo gaadhahayn, qodobkaa ayaan ku eegi doona qormada todobaadkan.

Hadaba waxa jira waxyaalo badan oo kala duwan oo faa,iido u leh wajiga iyo jidhka Dumarka kuwaas oo si dabiiciya u cadaynaya una kobcinaaya tusaale ahaan muuska oo aynu inta badan u isticmaalo cunitaanka ama cabitaanku waxa uu ka mid yahay waxyaalaha qarsoon ee aadka qurxiya maqaarka iyo Wajiga.

muusku wuxu leeyahay faa`idooyin badan iyo fiitamiino caawinaya maqaarka dadka, kana dhigaya mid jilicsan oo dabacsan, sidaa darteed waxu kaa cawinayaa in aad quruxdaada ku ilaaliso isticmaalka muuska.

Shirkadaha Caalamiga ah ayaa soo ban dhigay hada in uu Muuska yahay shayga Ugu fiican Dhinaca Qurxinta Jidhkagag loo adeegsan karo (natural pant) waxana tijaabo ku sameysay shirkadaha dalka Engiriiska qaarkood.

Habka loo isticmaalayo muuska jidhka lagu qurxiyo:

-Waxaad u baahantahay inaad jar jarto muuska ka dib wajiga saar mudo 20 daqiiqo ku dhow, sidaa ayuu wajigaagu ku nuugayaa saliida iyo fiitamiinka ku jira muuska.

ama soo qaado muus bisil ka dib ku rid weeli, kuna burburi malqacad kuna dar hal qaado oo malab ah iyo hal qaado oo liin dhanaan ah, isku qas. Wajiga iska maydh dabadeedna qalaji oo saar muuskii, liintii iyo malabkii aad isku qastay adigoo isticmaalaya faro nadiif ah, hakuu saarnaado mudo 15 daqiiqo ah kadibna biyo diiran  isaga maydh. Waxaa uu wajigaaga ka baabi’inayaa dhibcaha madow iyo finanka isagoo ka dhigayaa mid dhalaalaya

sidoo kale Muuska yaryaree ka dib waxaad ku dartaa saliida lawska, ka dib isku walaaq, oo timahaaga mari oo kudaa 15 daqiqadood. Markaad maydho timahaaga oo aad dhawr jeer sidaas u isticmaashidna waxaad dareemi doontaa is badal wayn, timaaguna waxa ay noqon doonaan qaar jilcsan oo dhalaalaya.

Intaa oo kaliya kuma koobna faa,iidooyinka Muuska laga helo balse waxa kale oo uu u wanaagsan yahay ilkaha waanu cadeeyaa, aan kuu sii sharaxo ee soo muuska diirkiisa sare kana dheego qeybtisa hoose adiga oo saaraya ilkahaga muddo dhan laba daqiiqo, adigoo isticmaya caday ama burushka ilkaha. Ogsoonow in in macdanta ku jirta ee ay ka midka yihiin: magnesium, calcium, iyo potassium ay qayb libaax ka qadanayaan cadeynta ilkaha……

 

Qaybta 2.aad Timirta iyo isku qurxinteeda

Sidoo kale Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qaabab kala duwan oo timirta loogu isticmaali karo qaabka kiriimada jidhka nafaqada iyo quruxda geliya.

Timirtu waxa ay la gaar tahay waxtarka ah in ay maqaarka duxgeliso kana hortagto calaamadaha gabowga, sida oo kale waxa ay leedahay nafaqooyin si awood leh u daweeya dil-dillaaca maqaarka ku samaysa, waxa kale oo ay timirtu cusboonaysiisaa unugyada si ay u beddelaan unugyada dhintay ee maqaarka, waxa ay jilcisaa maqaarka waxa aanay la dagaallantaa coodhcoodhka. Marka dhinaca madaxa laga hadlayana waxa ay nafaqo gelisaa diirka madaxa, waxa ay gacan ka geysataa qarinta cirrada, waxa ay daweysaa toxobta, waxa aanay yaraysaa dhibaatada timo daadashada.

Maqaarka

– Afar xabbo oo timir ah ayaa lagu darayaa koob biyo diirran ah, habeen ayaa ay radsanaanaysaa, illaa ay jileec isu beddesho, ka dib waa la isku walaaqayaa illaa ay sida cajiinka noqdaan. Markaas kadib ayaa maqaarka wejiga la marinayaa, waxa aaanay khubaradu sheegeen in ay maqaarka geliso faytamiinno kala duwan, macadanno iyo cusbooyin uu jidhku u baahan yahay si uu dhalaalka iyo quruxda dabiiciga ah u ilaashado.

– Timir la cajiimay haddii lagu daro liin dhanaan la tuujiyey oo loo qiyaasay timirta la xashay in ay si fiican u wada qoynayso, kadibna wajibka lagu dahaadho, muddo 30 daqiiqo kadib ahna laga maydho, muddo marka lagu wado, waxa isu ekaanaya midabka wejiga ee laga yaabo in uu kala noocnooc noqdo dadka qaar qorraxda iyo qabowga badan awgood, waxa aana tirtirma baraha madow iyo nabarrada.

Timaha

– Shan malqacadood oo ah timir la shiiday ayaa lagu darayaa 4 malqacadood oo saliid saytuun ah iyo koob caano ah, kadibna iyada oo isku walaaqan ayaa timaha lagu dhoobayaa, muddo saacad ah ayaana lagu deynayaa. Kadib biyo diirran iyo shaamboo caadiya ayaa lagaga maydhayaa, waxa ay khubaradu ku taliyaan in qofku uu toddobaadkii hal mar isticmaalo timirta sidan ah.

 

 

 

Leave a Reply