Boqortooyada Haweenka: Bulsho aan ninku waligii madax ka noqon!

0
384

Bulshadani waa Qayb ka mid ah qowmiyadda Shiinaha ee lagu magacaabo Naxi, oo tiradooda lagu qiyaasay 25,000

Taariikhda bulshada Mouso waxa ay soo taxnayd muddo 2,000 oo sano, waxaana ay degan yihiin daafaha “ harada Lugu “ ee u dhaxaysa Deegaanada Yunnan iyo Sichuan ee  gobolka Tibet.

Qaab dhismeedka bulshadani waxa uu ku salaysan yahay nidaamka Matriashi, oo ah in haweenka bulshadan ka mid ah ay qabtaan dhammaan doorarka asaasiga ah ee bulshada sida hoggaanka siyaasadda, sharciga iyo garsoorka iyo mansabyada gobolka.

Xagga maamulka qoyska, gabadhu waa mulkiilaha iyo maamulaha dhamaan hawlaha qoyska iyadaana looga danbeeyay arrin kasta.

Bulshadan Ninka  waa la xaqiray maadaama aanu qabiilka guurba ka jirin, sidaas darteedna  kuma jirto luqadooda erayga ah Nin, Aabe, soddog, Adeer midna , xataa qaamuuskooda kuma jirto

Bulshadan raggu waxa ay la nool yihiin hooyadood, hadduu gabadh damco oo uu jeclaado, habeenkii ayuu soo booqanyaa haddii ay ogolato, subaxdiina wuxuu ku noqonya gurigii hooyadii.

Hadafka noocan ahi waa in laga tanaasulo dareen kasta oo ka dhexeeya lab iyo dheddig ee ka dhalan kara xidhiidhka lammaanaha.

Taasi oo keenaysa in dareenka dumarku debco oo daciifo ka dibna ay si fudud talada iyo xukunka ay raggu ula wareegaan.

Bulshadam, abtirsiinta carruurta waxa ay raacdaa hooyadood, ninkuse carruurtiisa waxba ka garan maayo, wax door ahna kuma laha noloshooda, xaqna umaba laha in uu ka hadlo, waayo maba yaqaano.

Kuma jiro eray aabbe luqadooda,  Marka gabadhu uur yeelato waxay jeceshahay in ay gabadh dhalaan si ay u sii wadaan abtirsiinta qoyska, waxaana ay aad u murugootaa haddii ay wiil dhasho.

Marka ay gabadhu dhimato Labka bulshadani waxba kama dhaxlo, maal iyo mood midna , waxaana iska wada leh hablaha ay dhashay hooyada dhimatay, wiilsheedana waxba kuma laha.

Maadaama ay hooyadu  gacanta ku hayso bulshadan, ma jiro khilaaf soo jireen ah oo dhexeeya sodohda iyo gabadha, arrimaha dhaxalka iyo dhibaatooyinka furriinka, sidoo kale ma jirin dambiyo ay ka mid yihiin faraxumaynta, kufsiga, iyo rabshadaha qoyska mar haddaanu ninku saamaynba ku lahayn bulshadan.

Dhinac dhaqaalaha iyo goobta shaqada iyo wax soo saarka, haweeneyda Mosuo waa midda ilaalisa ee masuulka  ka ah arrimaha qoyskeeda.

Waxa ay adegsadaan xirfado kala duwan, gaar ahaan falashada beeraha, tolida dharka, kuwaas oo lagu yaqaan Islaamaha da’da oo isticmaalaya loox-dhaqameedka ah si ay u sameeyaan dharka.

Mudada uu ninku joogo guriga hooyadii ayuu shaqada guriga u qabta, barbaarinta caruurta ka yaryar iyo ilaalinta iyo daryeelka hooyadii haddii ay da’ weyn tahay. Waxa kale oo ay raggu isku mashquuliyaan in ay turub ciyaaraan si ay wakhtiga isu dhaafiyaan.

Dadka reer Moso waxay ku hadlaan luqaddii ugu dambeysa ee hieroglyphic ee calamka oo lagu magacaabo Dongba.

Bulshaa Moso waxa ay leedahay arriimo kale oo aan caadi ahayn oo la yaab leh sida: Bulshadani ma cunto hilibka Eyda sida bulshada kale ee Shiinaha, waana arin mamnuuc ka ah.  Sababtuna waa iyaga oo aaminsan in uu yahay xubin qoyska ka mid ah.

Marka uu dhinto qof kasta oo ka mid ah bulshada Mosuo, waxaa la dhigayaa xabaasha oo dhexda laga qoday, isagoo aaminsan in uu mar kale dhalan doono, waxa kale oo la raacinayaa dhammaan hantidiisa gaarka u ahayd sida dharkiisa , kabihiisa iwm.  Intaasi ka dibna waa la gubayaa. Sour: theguardian.com/ ( Diyaarinta : Axmed Adam Haybe)

Leave a Reply