Bariga Dhexe: Sirdoonka Mucjisada Noqday!

0
398

Rafaat Al-Hajan waxa uu ka mid noqday basaasiinta caanka ka ah dalka Masar. Magaciisa runta ahi wuxu aha Sulaymaan Jamaal. Dalka Israa’iil gudihiisana waxa looga yaqaanay Jack Beaton iyadoo sirdoonka Masaariduna ay u yaqaaneen Rafat Al-Hajan. Waxa uu ka furtay xarun ganacsi oo weyn magaalada Talabiib, waxaana uu noqday qof caan ka ah bulshada Yuhuudda.  Wuxu sanado badan basaasayay Dalka Israa’il, isagoo  usoo gudbiyay sirdoonka Masar macluumaad badan oo muhiim ah, isagoo u soo marin jiray shirkad dalxiis oo Israa’iil gudaheed ka shaqaynaysay.

 

Dagaalkii 1967 ayuu siro badan uga soo gudbiyay dalkiisa. Wuxu qayb weyn ka qaatay diyaar garwgii dagaalkii 1973 isagoo warbixin sugan ka keenay Qalacadii  Barleif ee Yuhuudda. Masar waxa looga yaqaan geesi muddo 17 sano ka sheqeeyay gudaha Israa’iil. Rafat Al-Hajan wuxu ugu dhintay dalka Talyaanig 1982-kii  Xanuuna kansar ah oo kaga dhacay sambabada. Waxaan laga sameeyay filim laga daawado Tv Masaarida mudadii hawlaha sirdoon uu ka waday dalka Israa’iil kaasi oo uu metelo Maxamud C/casiis. Waxaana uu ahaa sirdoon aad uga yaabiyay dawladda Yuhuudda.

Leave a Reply