Guddi isku-dhaf ah oo Galaysa Xallinta Khilaafka Golaha Wakiillada Somaliland

0
262

Hargeysa (Dawan):-Guddoomiyaha golah guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in guddi isku dhaf ahi ay galayso xallinta khilaafaadka  golaha wakiillada ee ay sababeen   sharciyadda xeerarkii golaha wakiiladu Guurtida u gudbiyeen oo  keenay in aan muddo toddoba cisho ah soo shaqo tagin.

Waxa uu intaas ku daray in guddidaasi isku dhafka ah ay ugu horrayso xukuumadda Somaliland oo madaxweynuhu ku hoggaaminayo, golaha guurtida iyo dadka talo qabeenka ah.

 

Guddoomiye Saleebaan waxa uu xusay in xisbiga WADDANI ay eedeeyeen isaga iyo madaxweynaha isla markaana aanay ka jawaabin, haddana ka jawaabayn.

Waxa uu tilmaamay in aanay jirin wax ay bulshada ka baqato, golihii ay doorteena uu khilaafkoodu dhammaanayo.

Waxaanu sidan ka sheegay wareysi uu siiyay wariyaal ku booqatay gurigiisa.

Waxaanu yidhi.“Xisbiga WADDANI mar haddii ay intoodii tuurteen oo aniga iyo madaxweynaha nagu ciilbeeleen ma ciil danba u hadhay, ananaa umaanu jawaabin, una jawaabi mayno.

Golaha wakiilladu in uu sidaasi ku lumo maahee waa in khilaafkooda la dhexgalo, oo golihii la isku soo ceesho, bulshadu gole ayay soo dooratee ay golihii noqdaan, haddii aanay wada jir ku shaqayna gole jirimaayo, golaha guurtida, xukuumadda oo madaxweynuhu hoggaaminayo iyo wixii odayaal ahiba in aanu arrintaasi dhexgallo oo xal aanu u helo waa waajib Qaran.

Khilaafka golahaasina waa khasab ama madaxweynaha iyo wasiiradiisa ha ahaato ama anaga ha ahaato, ama odayaasha iyo waxgaradka Qaranba ha ahaato, in aynu khilaafkaasi dhammeyno.

Waxa igu maqaalo ah in guddoomiye Cabdirisaaq uu arkay dhinici kale ee ay is hayeen isaga oo leh waar golihii haysku soo noqdo, arrintaasina guddi ayaynu u saaraynaa, aynu khilaafka ka saarno golaha, aadbaan ugu boggaadinaynaa taana, oo waa tallaabo wanaagsan.

Waxa aanu bulshada u sheegayna wax cabsi ahi ma jiro dalku waa degan yahay, dalkuna sida la moodayo dadku maahe dadku marka wax loo sheego dantooda way arkayaan.”

Qore Khadar M. Xaashi

Leave a Reply