Wasiirka Macdanta oo ka Hadlay Meel Ceel Biyood laga Qodayay oo Raad Shidaal laga Helay

0
240

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in raad shidaal laga helay deegaanka Baha Dhamal  oo u dhow caasimada Hargeysa.

Dareere madow oo shidaal u eg ayaa hal mar kasoo booday goob laga qodayay ceel-biyood sida lagu arkay muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada, isla markaana uu xaqiijiyay wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Cabdillaahi Faarax Cabdi.

Waxaanu yidhi.”Meeshaas riig ayaa laga qodayay, oo wasaaradda biyuhu ka qodaysay meel ilLaa 5 kilomitir xaga waqooyi ka xigta tuulada, riigii markuu marayo 340 mitir, ayaa waxa kasoo baxay dareere aad u madow, oo aan hore loo arag”.

Waxa uu wasiir Faarax sheegay in markii khuburada wasaaraddu eegeen uu dareeraha la helay leeyahay astaamihii saliidda qaydhiin, isla markaana, baadhitaan buuxa lagu samayn doono.

Waxaanu yidhi.”Saddex calaamadood oo saliiddu yeelan kartaba way ka muuqdaan, midabkii madoobaa wuu ka muuqdaa, urtii illaa xad way ka muuqata, waxa ka muuqda dufan”.

Waxa uu sheegay in deegaankan raadka shidaalka laga helay, ay shirkada caalamiga ah ee shidaalka baadha ee Genel Energy, ay sannadkii 2017 shidaal sahamin ka samaysay, oo ay ahayd deegaan lagu tuhunsanaa in uu shidaal ku jiro.

 

Dnimaca kale  wariyeyaal booqday Beerta ceelka laga qodayay ee raadka shidaal laga helay,ayaa waraystay mulkiilaha Beerta.

Waxaanu si caqli badani ku jiro uu ugu sheegay in markii hore meesha uu ka qodayay Ceel biyood waqaf ah balse arrinku is bedelay oo shidaal laga helay beertiisa isla markaana shidaalku aanu ahayn wax qof leeyahay ama yeelan karo,hawshiisu ay tahay mid qaranka u taalla.

Leave a Reply