UEFA oo Ganaax ku Ridday Saddex Kooxood oo Waaweyn oo ka Dhisan Yurub

0
209

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ganaax kusoo rogay saddex kooxood oo lagu eedeeyey in ay taageereyaashoodu rabshado ka sameeyeen garoomada xilli ciyaareedkan socda, kuwaas oo la iskugu daray ganaaxyo isugu jira ciqaab lacageed iyo hanjabaado.

War-saxaafadeed ay UEFA soo saartay ayaa lagu sheegay, in kooxaha la ganaaxay ay meel kaga dhaceen anshaxaha suubban, isla markaana taageereyaashooda ay xakamayn kaari waayeen iyaga qaarkood ay garoomada lasoo galeen boodh/tabbeeleyaal ay ku qoran yihiin waxyaabo ixtiraam darro ah.

Kooxda Liverpool martida u noqonayso Arbacada ee Rangers ayaa lagu soo ganaax dhan £12,284 Gini, iyadoo ay UEFA ku eedaysay in ciyaartoydeedu ay u dhaqmeen si aan habboonayn kulankii Champions League ee Napoli ee September 14 ka dhacay Ibrox Stadium, taas oo ciyaartoydeedu ay qaateen lix kaadh oo huruud ah, halka James Sands uu isagu casaan ku baxay.

UEFA waxa kale oo ay Rangers ka dhaaftay ganaax kale oo ay ku mutaysan lahaayeen ixtiraam-darro ay u muujiyeen boqoraddii geeriyootay ee Queen Elizabeth II oo ay jamaahiirtu diideen in ay u aamusaan, sidoo kalena ay shiteen heesta Champions League oo kooxaha kale ee reer Britain ay damiyeen todobaadkaas.

Kooxda labaad ee la ganaaxay ayaa ah Celtic oo iyadana kulankii Champions league ee Shakhtar Donetsk ay taageereyaasheedu garoonka lasoo galeen tabbeeleyaal ay ku aflagaadaynayeen boqoraddii geeriyootay ee UK ee Queen  Elizabeth, waxaana lagu xukumay in ay bixiyaan £13,169 Gini.

Ganaax labaad ayaa  sidoo kale lagu riday Celtic markii ay taageereyaasheedu isku dayeenin ay carqaladeeyaan kaamiryooyinka BT Sports ee ciyaarta soo gudbinayay kulankii Real Madrid, waxaana lagu riday £3,731 Gini.

Heats oo iyaduna ka  dhisan horyaalka Scotland oo ay Rangers iyo Celtic u wada ciyaaraan ayaa iyaduna rabshado ka samaysay ciyaartii Europa League ee RFS ee Latvia ee September 15, waxaana lagu xukumay in ay bixiyaan £2,194 Gini.

 

Leave a Reply