Wasiirka Qorshaynta oo Iftiimiyay Mashaariicaha Horumarineed ee Dalka ka socda

0
270

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland, Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay  guddi hoosaadka  siyaasadda, arimaha dibedda, iskaashiga caalamiga qorshaynta iyo maalgashiga ee golaha wakiilada Somaliland.

Guddida ayaa wasiirka ka wareystay mashaariicaha horumarineed ee dalka ka socda, isaga oo faahfaahin ka siiyay xogaha dhinaca dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo sahanno lagu   eegayo xogta dhabta ah ee ay ku sugan yihiin hooyada iyo dhallaanka oo la rejaynayo in ay dhawaan wadanka ka qabsoomaan.

Geesta kale wasiirku waxa uu guddida warbixin ka siiyay halka uu marayo qorshaha horumarinta Qaranka ee saddexaad, isaga oo sheegay in hadda uu meel gabo’gabo ah marayo, isla markaana rejo wanaagsan ka muujiyay dhammeystirkiisa.

Waxa kale oo uu uga warramay mashaariicaha dhanka horumarka, isaga oo farta ku fiiqay sida ay  u waafaqayaan baahiyaha iyo mudnaanaha ku qoran qorshaha horumarinta Qaranka, isaga oo sigaar ah hoosta uga xariiqay labada mashruuc ee biyoole iyo xogta dhulka iyo biyaha oo ay maalgalinayaan baanka adduunka iyo midowga Yurub.

Leave a Reply