Guddoomiye Daa’uud oo ka hadlay Hannaanka loo Kaydiyo Xogta Imtixaanka Shahaadiga ah ee dalka

0
459

Diyaar baanu u Nahay in aan Xafiiskayagu Lacag Qaadin’laakiin waa in aanu Helnaa Miisaaniyad aan ku shaqayno oo dhammaystiran.”Guddoomiye Daa’uud

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanka Qaranka Somaliland,Daa’uud Axmed Faarax(Daa’uud Gadhweyne):ayaa ka hadlay hannaanka ay u illaaliyaan Imtixaanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo siday u kaydiyeen xogta Imtixaanka shahaadiiga ah ee dalka oo dhan oo uu sheegay in ay dhawr qaybood oo kala duwan oo sir qaran ah u kala kaudiyeen.

Waxaanu iftiimiyay in imtixaankii ugu horreeyay ee  laga qaaday ardaydii ugu horraysay ee Imtixaan u fadhiisata ka dib lasoo noqoshadii Jamhuuriyadda Somaliland illaa imtixaankii imika ee ugu in ay dhammaan xogtiisa hayaan oo aan la waayi Karin.

Waxaa kale oo u ka hadlay siyaabaha ay u xalliyaan ardayda duruuf xannuun ama si kale uga maqnaada ka qayb galka Imtixaanka in ay jaanis u gaar ah siiyaan.

Guddoomiye Daa’uud ayaa sidaa ku sheegay warageysa gaar ah oo uu siiyay wargeysja Dawab.

Ugu horrayn isagoo ka jawaabayay’su’aal laga waydiiyay habka ay u ilaaliyaan xogta Imtixaanka qaranka marka la soo xareeyo ka dib,ayuu ydihi.

“Haddii loo baahdo kaydka ardaydii ugu horraysay ee Somaliland imtixaan uga fadhiisatay dib ula soo noqoshadii xoriyada, 1995 ilaa 1996-kii ayay ahaayeen lodkii ugu horeeyay, ee faslada 8-aad ka baxay, maanta haddii imtixaankoodii waala helayaa.

Ardaydii u horraysay ee dugsiga sarre ka baxdaana waxa ay ahayd sannad dugsiyeedkii 1999-2000, iyagana haddii aad tidhaahdo hebel soos saara baadhitaan uunba inaga xiga.

Dhukumentisku mar maniwal ayuu ahaa, markii danbena waxa aanu u baddelay soft, hadda waxa uu kayd garaysan yahay isaga oo tiknoolojiyada casriga ah la jaanqaadaya, waliba hawaddana waanu ku kayd garaynaa, koonbiyuuteradana waa lagu kayd gareeya, marka meelo badan oo kayd ah ayuu ku jira.

Meel kaliya dab ayaa ka kici kara waxba ku dhici karra, Keyna oo kale ilaa 13 xarumood oo waa weyn oo lagu kaydiyo imtixaanaadka ayay leeyihiin, balse innagu mar haddii aynu nahay dawladd aan la aqoonsan, oo iska danyara dhaqaalaheeduna yar yahay anaga uunba ka masuul xafiis imtixaan ahaan isxilqaanay, anaga ayaa kayd shaqsi oo koonbiyuuteradayada ah iyo kaydad kale oo aanu afkaartayada ku keenay, ayaanu ku kayd garaynaa, oo haddii midi baaba’o ku kale looga helo, way xafidan yihiin wax warwar ah oo ka jiraana ma jiro, ardayda imika aan idiin sheegayo wakhtiga dugsiga sarre ka baxday qaarba imika noo yimaada iskada shahaadadiiye waxa la helaya ID CARD-kii aanu bariga gacanta ku qori jirnay, oo gacanta ku qoran.

Inagu xaruntan oo imika cidhiidhiya ayaanu ku shaqaynaa, balse waanu rajjeynaynaa in xarun weyn loo helo, marka dhab ahaantii wuu xafidan yahya wax allaale wixii loo baahdana waala helayaa.

Ardaydeena duruufo badan ayaa ku xeeran sida xannuunada, kuwo waalidiintood qaada oo dhakhaatiirta dibedda geeya, balse ardaygaa fursadiisa kama lumino, marka uu diyaar noqdo ayaanu imtixaan ku celis ah dib ugu sameynaa oo ka qaadnaa, haddii ay badan yihiina marba laga wada qaada, haddii ay tiro yar yihiina intaas uunba mid mid looga qaada, marka imtixaankii hore ardaydu ugaleen magalayaan ee ku kale ayaanu u sameynaa.

Imtixaano kayd ah ayaanu leenahay oo haddii ay dhacdo in imtixaankii ardayda laga qaadayay maado baxdo markaba baddelkeedii loo heli karo, marka imtixaano badan oo kayd ah ayaanu leenahay.

Kuwii xumadda ka soo kacay ee imtixaanaadkii dalka uga baaqday maanta oo u danbaysay ayaanu ka qaadaynay, marka cid imtixaanka ka baaqata ama wayda ma jirto, si mooralka ardayda loo ilaaliyo ardayga wakhtiga imtixaanka uu galayay kii uu ahaa uunbaa ka qaadnaa”

Mar wax laga waydiiyay lacagta ay ka qaadaan ardayda iyo halka ay mart waxaa uu yidhi.“Ninkii wuxu yidhi ma waxaan ku mooday, ma waxaad noqotay mise waxaan loo noqon doonin.

Inamada Golaha wakiillada waxaan islaha aqoonyahanno ayuu helay xog ogaal ah, 85% xafiiska imtixaanaadka Qaranka ayaa soo saaray, markii ay xildhibaanada  noqonayeena ragga hadda wasiirka su’aasha weydiinayayna waxa ay ahaayeen kuwii xafiiska imtixaanada shahaadooyinka ka qaadatay, taas macanaheeda uma jeedo wax sharciya ama xaqa maxay noo weydiinayaan, balse waxaan filayaya kolkaad doonayso in aad masuul wax weydiiso marka hore baadhitaan ayaa la sameeyaa, waxa qurux badnayd inta xafiiska imtixaanad loo yimaado in su’aasha la weydiiyo, oo la yidhaahdo lacagtaad qaadaan waa intee in le’eg? Yaad ka qaadaan? Sideed uqaadaan? Maxaad ku qabataan?.

Lacagtani wax maanta bilaabmay maaha, wax shalay bilaabmayna maahaa, mana’aha lacag sida loo sheegayo ama cashuuro marta, sideedaba 6 dollar ayaanu ardayga ka qaadna shahaadada, intii sicirbararku dhacayna 60-kun ayaanu ka qaadna oo shilinka Somaliland ah, arday aan lacag haysana waligii umuu shahaado waayin lacag, xeer hoosaadka noo yaala waxa ka mida, qofka danyarta ah ama askarta jiida joogta ubadkooda, qofkii dhiba sheegta, waxaani waa adeeg xafiiska waxa ka shaqeeya 88 qof in ku dhaw, oo kala badh aanay shaqaale rasmiya ahayn ee ay noogu shaqeeyaan si mutadawacnimo ah.

Marka waxa ay ahayd inay dareemaan mudanayaasha golaha wakiilladu, xafiiska intaas oo sano iyaga soo saarayay tallow miisaaniyad ku filan maqaataan, miisaaniyadooduse maku filan tahay,  sida sharciga ahna in xafiiska iyo miisaaniyaadiisu is le’egaato weeyi, sababto xafiiska imtixaanaadku waa xafiiska kaliya ee khatari ay ku iman karto saacad gudaheed.

Tusaale ahaan iyada oo barri oo kale imtixaankii la galayo ayaa lagu odhanaya maadadii Soomaaliga waala helay, adoo kharashkii oo dhan galay, oo baabuurtii diyaariyay, oo imtixaankii la qaaday, oo beri la galayo dalka oo dhan, marka haddii madada la helay ay noqoto Soomaaligaasi wuu fashilmaya dalku, marka xafiiska imtixaanadka waxa la gudboon in imtixaankii kaydka ahaa uu soo saaro, intii uu gaadiid kireeyay in le’egna uu kireeyo, intii kormeerayaal imtixaan uu diray in le’eg ayuu dirayaa, inta uu xildhibaanka baarku caawa raaxaysanayo in xafiiska imtixaanaadku Saylac ilaa Burhaan ayuu imtixaanka u kala gudbinayaa, hore ayay noo soo martay.

Xafiiska imtixaanadku sannadkasta ugu yaraan 50-kun oo arday ayuu imtixaan ka qaada, marka waxaan ka wada in dareenka intaa le’eg iyo hawlaha uu qabto xafiiska imtixaanku ay ogaadaanbay ahayd, adduunyada xafiiska imtixaanaadka Qaranku waa meelaha ugu dhulka weyn uguna quruxda badan uguna miisaaniyada badan, balse innaga waxaad mooda in siyaasada uun la isku eryanayo iyo kursiga ugu sarreeya dalka.

Haddii ay baarlamaan tahay, haddii ay siyaasiyiin tahay, xaggaasi ayaa loowada jeeda, cid allaale cid xaggan u soo jeeda ma jirto, balse kuwa aanu rajjada ka qabnay waxa ay ahayd kuwa aanu annagu soo saarnay ee xafiiska garanayay, iyaguna 6-dollar ee ardayga laga qaadayay iyagana laga qaaday maalintii ay shahaadooyinka qaadanayeen ayay ka dhigeen lacag xafiisku qaato.”

La soco waraysigan qaybo kalae oo xiiso badan

Leave a Reply