Boorama(Dawan):-Guddoomiye xigeenka ururka Barwaaqo Adan Xasan Mataan ayaa sheegay inay soo bandhigeen taageeryaal ka badan tiradii kun-ka ahayd ee laga doonayey.
Mar uu kula hadlayay taageerayaasha ururka xaruntooda boorama,waxaanu uga mahadceliyey taageerayaasha ka soo xaadiray goobta.
“taageerayaasha shanta kun ka badan waxuu tusaale u noqonaya agobolada Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo sool, waxaan muujiseen in Awdal tahay ururka Barwaaqo.”
Waxuu sheegay in shaqadii maanta (shalay) u bilaabmatay, si ay ugu gudbaan xisbinnimo, ilaa hogaanka dalka aynu qabanno Barwaaqo joogsan mayno.
Saddex jeer ayaan ku labanlaabanteen tiradii ururka Barwaaqo laga doonayey ayey u sheegeen taageerayaasha madaxdii xarunta Boorama kala hadlay.
Dhinaca kale, urur-siyaasadeedyada cusub ayaa gobolka Awdal magaalo-madaxdiisa Boorama ku soo bandhigay tiradii kunka qof, kuna muujiyey cududa taageerayaashooda.
Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada & Ansixinta Axsaabta Qaranka ayaa 20 October ka bilaabay gobolka Awdal qorshe dhamaan gobolada dalka ay ku hubinayaan tirada kunka qof iyo xafiisyada ee dhamaan ururada siyaasada cusub.