Xarunta Hal-abuurka Tiknoolajiyada oo u dabaal-degtay sanad-guuraddeeda 1aad

0
282
Wasaaradda Isgaadhsinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo u dabaal degay sannad guurradii ka soo wareegtay Aasaaska Xarunta Hal-Abuurka oo ah Xarrun loogu Talo Galay inay Kobciso adeegsiga Tiknoolajiyadda taasi oo ay ka Faa’iidaysteen in ka badan 650 qof oo iskugu jira Shaqaallaha Wasaaraddaha, Ciidamada, Ardayda Jaamacadaaha, Haweenka iyo Dadka Baahiyaaha gaarka ah qaba.
Xaruntan Waxaa Hirgalisay Wasaaradda iyada oo Kaashanaysa Xafiiska Maal-gashiga ee TaiwanICDF.
Munaasibaddan ayaa Waxaa ka soo Qayb Galay Wasiirro, Agaasimayaal, Safiirka Somaliland ee Taiwan iyo dhamaan ardaydii ka faa’iidaysatay Barnaamijyadda kala ah:
1. Barnaamijka Kobcinta Adeegsiga Tiknolojiyadda
2. Barnaamijka la Talinta dhalinyarada
3. Barnamijka Maal-galinta hal-abuurka
4. Barnaamijka Fagaaraha Hal-abuurka
Ugu Dambayntii, Waxaa shahaadooyin la siiyay 75 qof oo ka kala Socday: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Ardayda Jaamacadaha.

Leave a Reply