Wefti Ka Socda Golaha Guurtida Somaliland la kulmay Maayarka Magaalo muhiim ah oo ka tirsan Ingiriiska

0
368

Qore. Cabdikariin Siciid Saalax

Bristol(Dawan)-Marwo Hibaaq Cabdi Jaamac oo ah Xildhibaankii ugu horeeyey ee Somali ah ee laga  doorto Golaha Deegaanka ee Magaalada Bristol isla markaana kasoo jeeda Somaliland ayaa Xarunta Golaha Deegaank Bristol kusoo dhaweysay Wefti ka socda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Hogaaminayo Mudane Cabdiqaadir Maxamed Xasan (indho indho) oo  ay wehelinayso Marwo Faadumo Siciid oo ah Lataliyaha Arimaha Dibada ee Golaha Guurtida, kuwaasoo booqasho ku jooga Dalkan Ingiriiska.

Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac oo ah Danjiraha Maalgashiga iyo Ganacsiga Caalamiga ah u qaabilsan Maayarka Magaalada Bristol Marven Rees, ayaa weftiga kusoo dhaweysay Magaalada iyadoo Duqa Magaalada Bristol Marvin Rees u sharaxeen Muhiimada Magaaladani u leedahay Dalka Ingiriiska iyo Soomaalida ku nool.

Xildhibaan C/qaadir Indho indho ayaa  Dhankiisa Maayarka Bristol iyo Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac warbixin waafi ah ka siiyay xaaladaha kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland ay xiligan ku sugan tahay, waxaa kale oo uu tilmaamay Xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal u dhexeeya.

Xildhibaan Indho Indho waxa uu ka dalbaday Maayarka Bristol inay tixgelin gaar ah siiyaan ardayda ka baxda Jaamacadaha Somaliland ee taga waddanka Ingiriiska Isla markaana aan lagu carqaladayn shahaadooyinka ay ku qaateen Jaamacadaha Somaliland, Isagoo sidoo kale ka codsaday Gaadiid Dabdamis ah.

Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac oo kulanka kaddib  ka hadashay waxyaabaha laga wada hadlay  ayaa sheegtay “Waxaa farxad weyn noo ahayd in aanu soo dhawaynay weftigan ka socday Somaliland. Somaliland waa dal muhiim ah oo ay kasoo jeedaan qurba-joog badan oo magaaladan ku nool Sharaf bay noo tahay in aanu matalo, waanan soo dhawaynayna fursada aan u helay in aan wax badan ka ogaano Somaliland. Wadahadalkayagu waxa uu taabtay badbaadada bulshada, aqoonsiga caalamiga ah iyo horumarka UK iyo Somaliland labadaba. Meelo badan oo wax wada qabsi ah ayaa jira, waxaanan rajaynaynaa in aanu wax badan maqalno oo aanu wax badan ka qabano Somaliland si ay uga faa’iidaystaan labada shacab.” Ayay Tidhi Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac.

 

Maayarka Magaaladda Bristol Marvin Rees ayaa dhankiisa sheegay inay farxad u tahay inuu qaabilo weftigan ka socda Gollaha guurtida ee Somaliland, waxaanu xusay inay Somaliland ku nool yihiin dad badan oo u dhashay magaaladan uu hogaamiyo.

waxaa kale oo uu tilmaamay inay sharaf u tahay inay wax badan ka ogaadaan Jamhuuriyadda Somaliland isagoo intaas ku daray inuu weftiyo badan oo Somaliland ka socday halkan ay kusoo wada dhaweeyeen Isaga iyo Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac oo  uu sheegay inay tahay Danjiraha Maalgashiga iyo Ganacsiga Caalamiga u qaabilsan Golaha Deegaanka Bristol.

Xildhibaan indho indho ayaa Xildhibaan Hibaaq gudoonsiiyey Calaamad ay ku xardhantahay Calanka Somaliland.

Weftigan ayaa maalmaha soo socda kusii sugnaan doona dalka ingiriiska oo ay safar shaqo ku joogaan.

Leave a Reply