Xuquuda Bulshadu Isku Leedahay!

0
473

Waxa laga wariyey Saxaabiga Abu Hureyra (R.C) inuu Rasuulka Allah (scw) yidhi :
“  Xaqa Muslimku ku leeyahay Muslimka kale waa shan,  Inuu salaanta u celiyo, inuu booqdo bukaankiisa, inuu raaco jinaasadiisa, inuu aqbalo martiqaadkiisa, inuu u duceeyo markuu hindhiso” Xadiis kalena wuxuu ku daray “ Inuu la taliyo markuu talo ka codsado”

Werin : Bukhaari iyo Muslim.

Qofku kaligii ma socdo haddiise uu dadka soo dhexgalo, dadka wanaagsanna raaco, waa inuu helaa xuquuq u damaanad qaadaysa iskaashiga wanaagsan ee bulsho la noolaanshaha. Xadiiskuna waxa uu inagu dhiirigeliyay in arrin kasta oo bulshada kala gacal iyo wanaag u abuuraya, arrin kasta oo xumaan is nec iyo kala tag keenayana waa  uu inoo diiday.

 

Leave a Reply