Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasadda oo soo saaray Habraac cusub

0
303

Burco(Dawan):-Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasadda iyo ansixinta Axsaabta Qaranka,ayaa soo saaray habraac cusub oo lagu maamulayo madaxtaabasahda gobolada u hadhay,waxaanay ururada Siyaasadda uga digeen in ay baal maraan habraaca cusub ee ay soo saareen.

 

Habraaca ay soo saareen gudidu ka hor waxay kulan la qaateen   Guddoomiyeyaasha Ururada Siyaasada,waxaanay kaga Wadahadleen ku dhaqanka habraaca cusub ee la raacayo ee Madaxtaabashada kunka qof ee  Gobolada Togdheer Sanaag iyo Sool

Kulankan ay shalay ku  yeesheen Magaalada Burco  Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Ururada Siyaasada ayaa waxa laysla qaatay in lagu dhaqmo habraaca cusub inta lagu gudo jiro Madaxtaabashada kunka qof ee looga baahanyhay  Ururada Siyaasada ee  Gobolada Togdheer Sanaag iyo Soo loo tirade kunka qof wax laga bedelay.

 

Afhayeenka Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta Axsaabta Qaranka  Mukhtaar Cabdi Jaamac ayaa sheegay habraaca ay soo saareen.

Waxaana ay u dhignayd sidan.

“1.Waxa la farayaa Ururada Siyaasada xubnaha ay doonayaan in madax ka tiriska loogu sameeyo in ay ku urursadaan goob leh dayr waxaana reeban in tirada lagu sameeyo goob furan

2.Waxa la joojiyay nidaamkii kala horaynta ee hore loo adeegsanaayay waxaana qaabkaa kala horaysiintu noqonaysaa in hal mar lays raaciyo tirinta goobaha masaafo ahaan isku dhaw.

3.Hawsha tirinta waxa ay si toosa u bilaabmaysaa sagaalka subaxnimo,waxaana la farayaa Ururada Siyaasada in diyaar ahaadaan saacadaas.

4.Wakhtiga tirinta waxa la joojinayaa bixida iyo soo galida goobta la tirinayo.

5.Xiliga lagu dhex jiro tirinta  Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta Axsaabta Qaranka waxa  tirada xubnaha  joojinaysaa Gobolada Togdheer iyo Sanaag markay tirada xubnaha marayaan kun qof, halka Gobolka Sool tirada lagu joojin doono 400 oo xubnood marka la marayo

6.Urur Siyaasadeedka baalmara qodobadaas kor ku tilmaaman waxay Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta Axsaabta Qaranka u diwaangalin doontaa in aanu raacin nidaamkan sidaas darteed suura gali mayso in la tiriyo.”

 

Leave a Reply