“Ma Aqbaleyno in Deeqaha Calamka na loo soo Mariyo Dawladda Soomaaliya” Madaxweynaha Somaliland

0
284

Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay Dublamaasiyiin Maraykan iyo Ingiriis ah

Hargeysa-(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay kula habka maqalka iyo muqaalka ah ee (Video Conference) kula yeeshay Safiirka Ingiriiska iyo ku-simaha Safiirka Maraykanka.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed shalay ka soo baxay qasriga Madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uga warramay safiirrada xaaladda guud ee abaaraha ka jira Somaliland, taas oo lagu qiyaasay in dad gaadhaya hal milyan iyo badh qof ay u baahan yihiin gargaar bin’aadanimo.

Waxaa uu si qoto dheer uga hadlay in taakulada caalamiga ah ee loogu talagalay Somaliland aanay noqon mid loo soo mariyo cid kale ee lagu saleeyo qorshaha Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale sharraxaad ka bixiyay hawlaha doorashooyinka soo socda, ee ururada siyaasadda iyo Axsaabta iyo qabsoomida doorashooyinka ku xiga, Sidaa darteedna ay xukuumaddu diyaarisay kharashka ku bixi doona diiwaangelinta iyo doorashooyinka.

Dhinaca kale safiirrada dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa la sheegay inay Madaxweynaha uga mahadnaqeen kulanka ay la qaateen, iyagoo ballanqaaday inay Somaliland si dhow ula shaqeyn doonaan.

Leave a Reply