Dhibaatada Nolosha Xasadka

0
301

Daraasad cusub oo la soo saaray 2013 bishii June ayaa cadaysay in  qofka inta badan xaasidka ah ay maskaxdiisu ku soo dayso dhiig badan qaybaheeda firfricoon ee hawlaha kala wada. Taasi oo maskaxda dhib ku keenta iyadoo haddii ay caado noqota hawl qabadkeeda yaraysa isla markaana cimrigeeda soo gaabisa.

Xasadku waa qofka oo jeclaada nicmada ama wanaagga qof  kale haysto inay ka tagto xataa haddii aanu isugu helayn. Qofka Xaasidka ahina  waxaa uu necbeystaa marka uu arko qof Allah (sw) nicmo siiyay sida cilmi, qurux, mansab iyo maal. Rasuulkuna (scw) wuxu xadiis ku yidhi “ Qofka kuma kulmaan Iimaan iyo xaasidnimo”   xasadkuna waxa uu marka hore ka bilaabma qof keliya,wuxu ku fidaa deegaan, shaqo, urur iyo dalba.  Waxaana dabada ka riixaya oo dhiiirgeliya shaydaan oo ka bilaabay. .

Shaydaanka ayaa ugu horeeyay cid xaasid la timaada, waana dhaqanka Ibliis kaasi oo xaasiday Nebi Aadam markii Allah (sw) faray in uu u  sujuudo.

Leave a Reply