Somaliland oo Pakistan kaga Qayb gashay Shir Caalami ah

0
271

Islama-baad (Dawan):-Somaliland,ayaa shir caalami ah kaga qayb gashay dalka Pakistaan.

Dr ayaanle Saleeban hagoog Hormuudka kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Hargaysa iyo dhakhaatiir kale ayaa Magaalada Islama-baad ee Caasimada Dalka Pakistan kaga qayb galay Shirweyne Caalami ah oo ay isugu Yimadeen Dalladaha ku midoobey ”

Federation For islamic Medical Associations” oo ah dallad ay ku bohoobeen 30 dalladood oo adduunka ah ,Cusbitaalo,Jaamacado iyo Urur samofalDhamaantoodna waxay u midoobeen sidii loo caawin lahaa loona horumarin lahaa Caafimaadka Waddamada islaamka ah gaar ahaan Dhinacyada Cilmi baadhista ,dawaynta ,daryeelida iyo aqoonta Caafimaad ee Waddamada Islaamka ah .

Dallada Federation for islamic medical associations oo la aas aasay 1960 ayaa qabsatay shirweyneheedi 39-aad oo 28kii bishan ka bilaabmay caasimada dalka Pakistaan ee islama baad waxaanu shirkaasi Caalamiga ah socon doona mudo afar cisho ah .

Dhakhaatiirka Somaliland uga qayb gashay shirkaasi Caalamiga ah .

1- Dr ayaanle Saleebaan Hagoog .

2- Dr Maxamuud Axmed (Dr Shiine)

3- Dr Abdirahman Maxamud( Koombe

4- Dr Abdirisaaq Yuusuf

5- Dr Aadam Axmed Daahir

6-Dr Ismahan Maxamuud Axmed .

7- Dr Cabdirahman Axmed Ismaciil.

8- Dr Xasan Cabdi Yuusuf .

Faa’idooyinka ay Somaliland Ka Heshay Shirweynaha 39-aad ee Federation For Islamic medical Associations .

  1. in dhakhaatiirtii Somaliland ka socotay mudo laba isbuuc ah ay aqoon kororsi u joogaan jaamacadaha riphah internstional University iyo Pishawer Medical College ee dalka Pakistan.
  2. dhakhaatiirta Somaliland oo loo ogolaaday inay takhasuusaadka Pakistaan ku qaadan karaan dalka Pakistaan iyagoon wax lacag ah laga qaadayn isla markaana iska bixin doonaan Cuntada iyo Jiifka .
  3. Qaar ka mid ah ardayda jaamacada Hargaysa oo tababar aqoon kororsi u tegi doona pakistaan shanta arday ee u horeysana ay Sanadkan bixi Doonaan iyadoo Ay Kharashaadkana ka bixin doonaan FIMA (Federation of Islamic medical Associations)
  4. in dhakhaatiirta ka shaqayeeya jaamacada Hargaysa, Cusbitaalka Hargaysa Group,Gargaar Hospital iyo Manhal Hospital La Siiyo Tababaro Tayadoodu Sarayso.
  5. Ìn Jamhuuriyada Somaliland Ka Qayb Geli Doonto Shirweynaha Sanadka Dambe ka Dhici Doona Dalka Malaysiya .
  6. wafti heer sare ah oo loo soo diri doono bisha soo socota Jamhuuriyada Somaliland Isla Markaana Qiimayn Doona Cusbitaalada. Jaamacada hargayaana waxaa laga furi doona xafiis lagu qaado imtaxanada takhasuska inshallah ardaydgii guulaustana loo qaadi doomo dalka Pakistaan waxbarashadiisuna ay bilaaah noqon doonto.
  7. Hormuudka Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Hargaysa Dr ayanle Saleban Axmed oo lagu Marti qaaday Shirweyne Caalami ah oo sanadka Cusub ka dhici Dalka Pakistan Isla markaana ay kasoo qayb geli doonaan Jaamacado ku yaala Waddamada Islaamka ah iyadoona lagaga Hadli Doono sidii loo Horumarin lahaa takhasusaadka sare ee Caafimaadka Waddamada Islaamka ah .

8.jaamacada hargaysa waxay ugu bushaaraynaysa ardayda iyo macalimiinta kuliyada caafimaadka inay u hirgeleen arimo muhiima taasoo dhawan aanu dadka la wadaagi doono

  1. Ugu dambayntii jamacada Hargaysa waxay Dhowaan ka mid noqon toonta ururka FIMA (full membership) iyadoo hada ah associate membership hawshaasna uu Si weyn uga shaqeeyay Dr cabdirasaq Yuusuf oo weftiga Somaliland ka socotay ka mid ah

 

Leave a Reply