Tababarka Dufcaddii 8-aad ee Ciidanka Dab-demiska Degmada Maydh oo ka Qabsoontay Taliska guud ee Dab-demiska Hargeysa

0
234

Hargeysa(Dawan):-Munaasibad ballaadhan oo tababar loogu soo xidhay dufcaddii 8-aad ee ciidanka Dab-damiska degmada Maydh,ayaa shalay lagu qabtay taliska guud ee ciidanka Dab-damiska Hargeysa.

Waxaa munaasibadaas ka soo qayb galay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Jamhuuriyadda Somaliland  Sarreeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, Wasiirka Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir xigeenka amniga ee wasaarada arrimaha gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed,wasiir xigeenka hawlaha guud Maxamuud Warsame Jaamac,Maayarka degmada Maydh Xuseen Sheekh Cabdiraxmaan Maydh, xildhibaan Khadar Cali Xakiin, Mustafe Shiine, Xasan Shahar, Salaadiin, Cuqaal iyo martisharaf kale.

Ugu horayn waxaa masuuliyiintu salaan sharaf ka qaateen ciidamada tababarku u soo xidhmayay.

Bilowgii waxaa halkaa ka hadlay soona dhaweeyay weftigan taliyaha ciidanka Dab-demiska JSL sareeye guuto Axmed M Xasan Sawaaxili, waxaanuu ka waramay marxaladihii ay soo mareen ciidankani iyo tababarada kala duwan ee ay qaateen, isagoo taliyuhu kula dardaamay ciidankaas inay heegan buuxa galaan markay tagaan degmada Maydh, sidoo kale shaqada ku dabaqaan tababaradaa ay qaateen.

Dhankooda waxaa halkaa ka hadlay wasiiro, siyaasiyiin, salaadiin iyo martisharaf kale oo badan kuwaas oo ku bogaadiyay taliyaha ciidanka Dab-demiska iyo ciidamadiisa shaqada nafhurka leh ee ay u hayaan Qaranka, waxaanay sidoo kale soo dhaweeyeen horumarka baaxada leh ee xukuumadu ka wado gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Maydh.

Ugu dambayn waxaa munaasibadan soo xidhay Wasiirka wasaarada horumarinta Maaliyada Dr.Sacad Cali Shire, waxaanuu bogaadiyay jananka ciidanka Dab-demiska iyo horumarka baaxada leh ee ciidanku sameeyay mudadaas kooban, kuna gaadhay guud ahaan gobolada Somaliland, wasiirka ayaa la dardaarmay ciidankaas, kuna dhiirigeliyay in shaqada qaranka ku qabtaan daacadnimo iyo karti.

Dufcadan ayaa noqonaysa tii sideedaad ee ciidanka Dab-demiska, halka ay ka noqonayso dufcadii koowaad ee degmada Maydh, waxaana ciidamadani dhawaan si toosa uga hawlgali doonaan Degmadaas.

Leave a Reply