Wasiirka Macdanta oo sheegay in Mustaqbalka Somaliland ku tiirsanaan doono Buuraha iyo Baddaha

0
394

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Cabdillaahi Faarax Cabdi, ayaa sheegay in mustaqbalka Somaliland ku tiirsanaan doono buuraha iyo baddaha.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in buuraha Somaliland ku xidhiidhsan yihiin buuraha macdanta laga qodo kuwooda ugu wanaagsan Geeska Afrika.

Geesta kale waxa uu xusay in macdantii adduunyada barigii hore laga isticmaali jiray iyo tan hadda laga isticmaalo intaba laga helayo dalkeena.

Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay daahfurka siyaasada wasaaradda macdanta iyo tamarta oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Waxaanu yidhi.“Mustaqbalka waddanku waxa uu aad ugu tiirsanaan doona haddii aynu ka shaqaysano oo aynu nolol wanaagsan ka gaadhi karna buuraha iyo badda, ILLAAHEY waxa uu ina siiyay buuro aad u wanaagsan, isla markaana ku xidhiidhsan buuraha macdanta Geeska Afrika ugu wanaagsan, ay la da’yihiin oo meel kala soo bilaabmeen.

Macdantii adduunku hore u isticmaali jiray iyo ta hadda la isticmaalaba waddankeena way yaalaan, marka waxa loo baahanyahay dawlad ahaan iyo dad ahaanba in aynu la nimaadno barnaamij siyaasi ah, oo aynu kaga shaqaysano macdanteena.
siyaasada aynu maanta halkan ku daahfuraynaana waatii koowaad ee loo sameeyo macdanta Somaliland”

 

 

 

Leave a Reply