Xikmada Maanta

0
454
  • Haddii uu dacwad ku keeno qof isha laga soo riday, ha xukumin illaa aad dhegeysato ka soo riday gartiisa.
  • Haddii aad la fadhido dad kaa aqoon badan dhegeyste fiican noqo,
  • Marna dadka hadalka haka dhexgelin ilaa ay dhameeyaan
  • Laabta dadka xorta ahi waa sanduuqa sirta.
  • Ha ka hadlin wax aanad ogayn ama aqoon u lahayn.
  • Carrabku waa tilmaamaha caqliga qofka.
  • Dadka qaar meel kasta oo ay tagaan farxad iyo barwaaqo ayay ka sameeyaan, halka qaarkoodna marka ay tagaan farxadda iyo barwaaqada lunto.
  • Noloshu waa isu geyn, kala goyn iyo qayb: Isugee oo ururi asxaabtaada iyo dadka aad is jeceshihiin; Naftaadana ka jar oo ka fogow in aad kula dhaqanto dadkaa danaystenimo iyo bakhaylnimo; Jacaylkaagana si siman ugu qaybi dadka ku jecel. Waxa aad noqon doontaa ka dadka ugu farxadda badan.
  • Haddii aad wax bixiso waxa aad tahay qof naxariis badan, laakiin ha illaabin in marka aad qofka baahan wax siinayso ay waajiab kugu tahay in aanad ceebihiisa sheegin.

 

Leave a Reply