Oole Nadaafadeed oo laga sameeyay qaybo ka mid ah magaalada Oog

0
394

Xubinta koowaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doonaa, wasaarada horumarinta caafimaadka Somalinad oo garab ka heleysa Dowlada hoose ee magaalada Oog, ayaa olole nadaafadeed oo iskugu jira nadiifinta goobaha qashinka lagu shubay iyo buufinta kaneecada ka sameeyay qaybo ka mid ah magaalada Oog.

Ololahan nadaafadeed iyo buufinta kaneecada ayaa waxa ka qaybgalay maamulka degmada Oog, xubno ka tirsan wasaaradda horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Duqa magaalada Oog Xasan Siciid Siyaad iyo xubno kale oo ka qaybgalay ayaa siwada jira uga hadlay ololahan iyo ahmiyada laga leeyahay.

Waxaaney yidhaahdeen.“Olole nadaafadeed ayaa loo baxay, si wanaagsan ayaa looga shaqaynayaa, waxa nala jooga koox ka socota wasaaradda caafimaadka, degmada gobolka Saraar, isuduwihii wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland dhab ahaantii siwacan ayay noola shaqeeyeen, waxa ay buufiyeen baligii oo kaneeco iyo bagteeriyo leh, maadama ay xilli roobaad tahay taasi oo laga baqay in xannuuno ka dhashaan.

Iyada oo balantayadu ahayd in maalinta Khamiista aanu Qashinka gurno, oo dibeddana magaalada looga saaro, goobaha kale ee lagu ururiyana lagu gubo, marka waxa ay noo yimaadeen anaga oo hawshayadii Khamiislaha ahayd ku guda jirna, sifiican fiicana waynoogala qayb qaateen, meelaha biyuhu  ku jiraan ayaanu soo buufinay si aanay Kaneeco uga dhallanin.

Bulshadana waxa ka codsanayna in ay u soo baxaan bilic soo celinta magaalada, yimaadana goobaha qashinka laga nadiifinayo, sidaasi oo kalena maalin walba uga shaqeeyaan.

Kooxdayada caafimaadka iyo dawladda hoose waxa aanu u soconay wacyigelin sidii goobaha biyo fadhiisinka ah u buufinlahayn, haddii aanu nahay bahda wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saraar waxa aanu bulshada ugu baaqayna in ay tagaan goobaha adeeg bixinta caafimaadka, isla markaana ka war hayaan xaaladooda caafimaad, bulshada reer Oogna waxaan leeyahay ka taxadara meelaha biyo fadhiisinka, ku dadaala in aad iska buufisaan xashiishkana aad ka gurtaan.

Maanta halkan laba qodob uunbaanu u nimid in wacyigelintii wasaaradda horumarinta caafimaadku waday halkeedii ka sii anba qaadno ajandihii iyo qorshihii noo dajisnaana aanu fulino, reer Oogna waxa aanu leenahay madaxdiina la shaqeeya”

Leave a Reply