In ka badan 200 oo arday ka qalin jabisay machadka Caafimaadka ee Muslim College ee magaalada Hargeysa

0
265

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan  waxa aynu ku soo qaadan doona munaasibad loo qabtay   in kabadan 200 arday oo dhameysatay maadada caafimaadka isla markaana ka qalinjibiyay machadka Caafimaadka ee Muslim College ee magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka qaybgalay bahda waxbarashada waalidiin iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Muslim College Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan, ayaa ka waramay marxaladihii ay soo mareen ardayda qalin qoratay.

Geesta kale waxa uu sheegay in ujeedada ugu weyn ee loo aasaasay ahayd buuxinta gaabka ku jiray aqoonta dhinaca horumarinta caafimaadka ee dalka ka jiray iyo in ardaydii dalka dibediisa u tagi jiray barashada culuunta caafimaadku ay kaga maarmaan.

 

Waxaanu yidhi. “Sharaf weyn ayay inoo tahay in aad maanta nagala soo qaybgashaan dufcadii lixaad ardayda ka aflaxday Machadka culuunta caafimaadka ee Muslim College.

Waxa la aasaasay muddo hadda laga joogo toban sano ka hor, ujeedada u weyn ee loo aasaasayna waxa ay ahayd maadaama aqoonta caafimaadka ee waddanka uu gaab ku jiray, ama arday fara badani dalka dibeddiisa u doonan jireen waxbarasho, ama ardayda jaamacadaha waxka barata ay u baahnaayeen Kaabis, in uu kaabista buuxiyo ayay ujeedadayada koowaad ay ahayd.

Markii aanu aragnay baahida, waanu kordhinay waxa aanu ka dhigney Diploma, ardayda qalinqoratay waa laba boqol, isuguna jira kuuliyadaha xagga caafimaadka ee uu bixiyo Muslim College, waana wax lagu farxo”

 

Leave a Reply