Xiddigaha ku Dulman Horyaalka Premier League ee la Xaqiro oo la Shaaciyey

0
281

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa jooga ciyaartooyo tirsanaya duudsi iyo in aanay helin xuquuqdii qiimaynta ee ay mudnaayeen, isla markaana laga sarraysiinayo kuwo ay ka fiican yihiin, balse warbaahinta iyo tababareyaashuba indho gaar ah ku eegaan.

Waa run in Haalnad, Kane, De Bruyne, Salah iyo kuwo kale ay yihiin kuwa maskaxdaada kusoo dhacaya marka lagu weydiiyo ciyaartoyda ugu wanaagsan horyaalka Premier League, laakiin waxa jira kuwo kale oo usbuuc walba qabta shaqooyin aad u sarreeya oo aanay indhuhu qabanin.

Marka aynu ka hadlayno ciyaarta dalman, waa kuwo bandhiggoodu sarreeyo laakiin aanay warbaahintu soo hadal-qaadin, sidoo kalena tababareyaashooda iyo ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin ciyaartooyo kale u nisbeeyaan shaqada la qabtay.

11 ciyaartoy oo ah kuwa la xaqiro ee aan helin qiimayntood shaqo ee gudahaa garoonka ayaa lasoo saaray, waxaana safka hore kaga jira goolhayaha Wolves ee Jose. Goolhayaha reer Portugal ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu badbaadinta badan goolhayeyaasha horyaalka Premier League, waxaanay taageereyaasha kooxdiisu isku raaceen in uu yahay geesiga aan loo heesin.

Waxa kale oo liiskan safka hore kaga jira Ilkay Gundogan oo Manchester City ah iyo Rodrigo Bentancur oo u ciyaara Tottenham, iyo waliba xiddigaha taageereyaasha Leeds United ee Jack Harrison.

Liiska xiddigaha la xaqiro ee aan qiimayntii ay mudnaayeen ku helin horyaalka Premier League waxa kale  oo ku jira difaaca Liverpool ee Joel Matip oo dhaawac ku maqan waqtigan, lana  dareemayo in difaaca kooxdu uu kala daadsan yahay, laakiin haddana marka uu dheelayo ee ay kooxdu guuleysanayso ay warbaahinta iyo taageereyaashuba kaliya indhaha u jeediyaan Virgil van Dijk.

Waa kuwan liiska 11ka ciyaartoy ee dulmaneyaasha ku ah Premier League ee aan helin qiimayntii ay mudnaayeen

Jose Sa, Wolverhampton Wanderers

Fabian Schar, Newcastle

Joel Matip, Liverpool

Ben White, Arsenal

Mateo Kovacic, Chelsea

Philip Billing, Bournemouth

Alexis Mac Allister, Brighton

Rodrigo Bentancur, Tottenham

Ilkay Gundogan, Manchester City

Jack Harrison, Leeds

Harvey Barnes, Leicester

Leave a Reply