Man United oo Bilaash kula Soo Wareegaysa Xiddig ka Tirsan Bayern Munich

0
189

Kooxda kubadd cagta Manchester United ayaa xiisaynaysa xiddig ka tirsan Bayern Munich oo waliba ay doonayaan inay si xor ah ula soo wareegaan maarka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda, laakiin waa ciyartoy hore ugu fashilmay horyaalka Premier League oo hadda dib u helay qaab-ciyaareed fiican.

Tababare Erik ten Hag ayaa la sheegay, in uu doonayo in kooxdu la saxeexato Eric Maxim Choupo-Moting oo afka hore uga dheela Bayern Munich iyo xulka Cameroon, kaddib sagaal kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu siddeed gool u dhaliyey Munich.

Choupo-Moting oo ay da’diisu tahay 33 jir ayaa ku jira sannadkii ugu dambeeyey qandaraaskiisa Bavaria waxaana uu soo jiitay indhaha Red Devils, sida ay sheegtay warbaahinta Media Foot oo soo xiganaysay ilo-wareedyo ka agdhow Erik ten Hag.

Inkasta oo Bayern Munich ay dhinaceeda isku dayayso inay ku qanciso Eric Maxim Choupo-Moting inuu heshiis cusub saxeexo, haddana Red Devils oo uu ka tegayo Cristiano Ronaldo marka auu xilli ciyaareedku dhamaado ayaa waxay xidhiidh la samaynaysaa weeraryahanka reer Cameroon.

Choupo-Moting oo hadda diiraddiisu saaran tahay sidii uu xulka dalkiisa ugala qayb-geli lahaa  Koobka Adduunka ayaa hore uga  soo ciyaaray horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii 2017/18 oo uu ka tirsanaa Stoke City, waxaana 30 ciyaarood oo uu saftay uu dhaliyey shan gool oo kaliya.

Wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano ayaa kusoo warramaya in Munich ay doonayso inay xajisato laacibkan oo heshiis cusub oo mushaharkiisa horumar ku samaynaya ay Bavaria u bandhigtay.

Eric Maxim Choupo-Moting ayaa sidoo kale usoo ciyaaray kooxaha Hamburg, Mainz, Schalke 04 iyo PSG, isaga oo Bayenr Munich ka tirsanaa illaa sannadkii 2020 waxaanu kula guuleystay laba horyaal oo Bundesliga ah iyo FIFA Club World Cup, isaga oo 71 kulan oo uu u saftay u dhaliyey 26 gool.

Leave a Reply