XUSKA MACALINKII SAXAAFADDA IYO XUSUUSTA HOOYADII WARBAAHINTA AFSOOMAALIGA

0
809

Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf Saleebaan

 

Maanta oo ah 9kii Bisha Nov. badiba Magaalooyinka Dalka waxaa laga  xusayaa Munaasabad loo asteeyay maalinta Saxaafada Somaliland. Inkastoo Da’yarta xiliyadan Caynaanka u  haya Warbaahintu aanay wax badan ka ogayn Geedigii  dheeraa ee cidii guushan curisay usoo martay suurto gelinteeda,  oo  marka sidii ay ahayd loo sharaxo  Noqonaysa Dhigaal Macno weyn ku fadhiya oo duug iyo dhaxal u noqonaysa  Jiilasha soo koray. Waana Halbeeg cabir sugan saaraya  saamiga Taariikhdu siinayso Muwaadin kasta oo ciidiisa wax u qabta, Dantiisa gaarka ah intuu iska ilaawana, Danta guud ku mashquula.

Waxay ahayd     Isniineed  tirsiga taariikhdu  ku buuxo 9.11.1998, guud ahaanba shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeysa, waxay kusoo tooseen  war naxdinleh  waa Geerida Gudoomiyihii Shirkadda NPP ee soo saarta wargeysyada JAMHUURIYA IYO THE REPUBLICAN.  Allaah haw naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdi Shide,  oo  saqdii dhexe ee habeenkaas ku geeriyooday Isbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Geerida marxuumku waxay waqti yar gudahood ku wada gaadhay guri kasta oo Afsoomaali lagaga hadlo, maadaama uu ku suntanaa Odaygii Wargeyska JAMHUURIYA  oo ahaa jaraa’idka ugu caansan dhamaanba warbaahinta Afka soomaaliga ku hadasha.

Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdi Shide oo awood dhaqaale oo xoog leh u huray taabagelinta saxaafad xor ah oo si dhab ah uga turjunta dareenka shacabkeeda.

Tacabka uu geliyey  JAMHUURIYA waxa uu gaadhsiiyey inay noqoto Jaraa’id dhisan oo la heer ah warbaahinta Aduunka. Waxaanu ahaa joornaalkii  ugu horeeyay ee kusoo baxa Daabacaada Makiinadda OFFSETKA.  Markalena  Wargeyska keliya  ee si maalinle ah usoo baxo,  marka lagu daro Nuqulka The Republican ee luqada Ingiriisida ku hadla,

Xogaha darayga iyo wararka diiran ee sida joogtada ah uga waraabin jiray  Akhristeyaashiisa ,  Qalinka JAMHUURIYA wuxuu  gaadh iyo gaashaan adag u ahaa   dulmanaha  iyo cid kastoo shaadh ka awood badan loogu itaal sheegto.

Markaynu hadaba dib u milicsano  Sooyaalkii taariikheed ee Allaha u naxariistee Marxuum M.A. Shide,  oo ahaa Bud-dhigihii Guusha Saxaafadda, waxa uu sanadkii 1947kii ku dhashay Magaaladda Hargeysa, halkaasoo uu ka bilaabay Waxbarashadiisii  Quraanka malcaamadii Sheekh Baraawe, tacliintiisii dugsiga Hoose/Dhexena wuxuu ku dhamaystay Isla magaalada Hargeysa. Markuu uu u gudbay Tacliintiisii dugsiga sarena wuxuu galay Iskuulkii  Hoyga Camuud. Ragii ay waqtigaa isku fasalka ahaayeena waxaa  kamid ahaa M/weynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,

Barbaartii ay waayahaas iyo marxaladaas soo wada mareen, waxay qireen inuu Maxamuud Cabdi Shide  aad ugu wanaagsanaa  Tacliinta  sida badana wuxuu kaalinta koowaad ka  geli jiray Imtixaanada Iskuulka laga qaado.

Dadaalka dhinaca waxbarashada ka sokow waxa uu aad ugu horeeyay  Abaabulka iyo Isku dubaridka ardayda hadaladiisuna waxay saamayn weyn ku lahaayeen, Dhalinta  Iskuulka goobta uu joogana aad baa loogu soo ururi jiray.

M/weynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa 1998kii  todobaadyo kadib Geeridii M. C.Shide waxa uu nooga sheekeeyay aniga (Cali-Mahad) iyo Weriye Cismaan M. Cismaan oo kamid ahaa Warfidiyeenada JAMHUURIYA  aanu kawada tirsanayn .

Xilli ku  siman dabayaaqadii Lixdanaadkii oo Shacab Reer Jabuuti ahi Sameeyeen Banaanbax ay ku dalbanayeen xoriyad ay ka helaan Gumaysigii Faransiiska, hase ahaatee  Dowladii  Faransiisku waxay  dadkii u adeegsaday Xoog  khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaana halkaa ka dhacay  dad aad u badana waxaa loo taxaabay Jeelasha,  markii warkaasi nasoo gaadhay  Ardaydiina aad uga damqadeen arintaas iyadoo Jawiguna aad u kacsanyahay,   waxaa bilaabmay dood  dheer, oo qofba rayigiisa ka dhiibanayo,  M. C.Shide ayaase ugu dambayntii soo jeediyey inaanu socod  lug ah ku tagno ilaa Lowyacado halkaana aanu ka samayno mudaharaad balaadhan oo aanu kaga soo horjeedno  Tacadigaasi, intaa kadibna Isagaaba socodkii bilaabay ardaydiina markay arkeen mowqifkiisa aan ka noqoshada lahayn  ayaa iskuulkii oo dhami sidii ku dhaqaaqay,  markaanu mudo  sii soconay , iyadoo xaaladu  adagtahay  ayaa goor dambe  Maamulkii Dugsiga iyo madaxdii Magaaladu  ku warheleen, sida  ay wax u dhaceen iyo halka ardaydii  u kacday. Waxaana nalaga daba keenay Gawaadhi waaweyn oo dib noogu soo celisa  Iskuulkii, sheekadaasina cid kastoo maqashayba waxay ku noqotay Fajaciso.

Markii uu dhamaystay  tacliintii Dugsiga   sare , Marxuum M.C. Shide wuxuu tartan u galay shaqo  ka banaanayd Baanka xaruntiisii Muqdisho,halkaasoo uu  kaalinta koowaad u galay Imtixaanka  Booska loo tartamaayey oo ahaa Xisaabiyaha Sare ee Bankiga.

Xiliyaadaa  oo ahayd Bilowgii Nidaamkii MSBare,  waxa uu ahaa Indheer-garadkii sida weyn uga hor yimi  maamul-xumadii taliskaasi, mudo kadib ayaana shaqadaas. Iskii uga tegay, Maxamed Cabdi Ismaaciil (Digtoorka) oo ahaa Gudoomiyihii Wargeyska Maandeeq ayaa  ka sheekeeyey Maalintii Dowladii Maxamed SBarre tooganaysay wadaadadii  Muqdisho lagu laayey bishii Jan 1975kii, waxaanu iska soo baxnay M. Cabdi  Shide,  oo ii sheegay inuu u socdo halka culumada lagu tooganayo markii aan sababta weydiiyeyna wuxuu igu yidhi Inaan Maalinta Qiyaamaha Markhaatigeeda furaan  doonayaa.

Markii uu ka ruqsaystay hawshaa Baanka Allaha u naxariistee Marxuum M. C. Shide oo ahaa shaqsiyad  han iyo himilo fog leh waxa uu bilaabay inuu iskii u shaqaysto. In  mudo ahna ayuu isu maray Dalalka Afrikada Bari,  inkastoo aanu ganacsi  buuran iyo faraqabsi macno leh  ka helin,

mudo kadib ayuu u dhoofay Boqortooyada Sacuudi Araabiya  waxaanu ka  hawlgalay shirkadaha waaweyn ee Shiidaalka soo saara oo mansabyo kala duwan uu kasoo qabtay.  Waayahaasna,  waxa uu dib u bilaabay W/barashadiisii  laba shahaado oo sare ayaanu ka qaaday jaamacado ku kala yaala USA iyo Ingiriiska,  Sanado ka dib waxaa  Aloosmay Aragtiyihii  lagu diidanaa tacadigii iyo dulmigii Xukuumadii MSBarre kula kacday shacbiga Reer Somaliland.

Amuurahaa oo saamayn weyn ku yeeshay Qurbajoogtii dalkan u dhashay ee debeda  ka xoogsanaayey,  M. C. Shide wuxuu safal awal ka ahaa ragii taageerada dhaqaale ee joogtada ah u huray  halgankaasi, waxaanu cidwalba dheeraa  dareenkii Naf hurnimo ee kaga qaybgalay,  markii xaaladu gaadhay in gudaha dalka lasoo galo  waa Bishii May 1988  xiliyadaas  oo uu ahaa Maalqabeen Aduun wacan haysta Nolol sarena ku jira, waxa uu usoo duulay  jiidihii Ciidanka SNM Ka dhaqaaqayey isagoo garabka ku sida Kamarad Fiidyoow oo uu ugu talogalay inuu ku duubo  jawiga dagaalka.

Nasiib wanaag hawshaa filimqaadista oo  halis iyo khatar aan lasoo koobi karin  lahayd, waxay u dhacday sidii uu ugu talagalay. Muuqaalada uu xiligaa  ka duubay Dagaalkaasina waa markhaatiga ugu weyn  ee laga hayo sidii wax u dhaceen.

Arimaha cajiibka  ah ee uu  Filimka ka qaaday  waxaa kamid ahaa  muuqaalo kashifaya Gaadiid watay  sumadda iyo astaanta Hay’adaha qaramada Midoobay  oo xukuumadii MSBare u isticmaashay Dagaalkii Hargeysa.

Cajaladahaa oo toos u gaadhay hay’adihii Baabuurtaas lahaa   iyo weliba xukuumadii Maraykanka, waxay sababeen  in Culays badan la saaro Taliskii MSBarre isla markaaana laga hakiyo kaalmooyin hore loogu qorsheeyay, muuqaalada kale ee taariikhig a ah ee maalmahaa Dagaalka Hargeysa uu sameeyey M.C. Shide waxaa kamid ahaa  marxuumka oo hortaagan Dhismaha Idaacadda RADIO HARGEYSA. Waxaana  sheegayaa in ujeedooyinka Halganka ay kamid tahay in la helo Saxaafad xor ah.

Marka laga yimaado Gulufka Hargeysa ee 1988 oo uu inteeda badan duubay, waxa kale oo uu Filim ka sameeyey Deegaanka Kala-baydh oo sida la sheegay  Dagaal qadhaadh oo aan waxba laysula hadhini uu ka dhacay, Ciidankii  cadowga oo si weyn looga adkaaday gaar ahaan Ciidankii lugta iyo Gaadiidka Gaashaaman waxa uu miciin biday  Dayuuradahii Dagaalka ,                                                                 Xiliyadaas oo ku beegnaa Nofembar 1988kii.  Cajaladahaana  waxaa ku jira khasaaraha Ciidanka faqashta gaadhay Hubkii iyo Baabuurtii laga qabsaday, iyo sidoo  kale   Gaadiid laga gubay. M/weynaha Somaliland Muuse Biixi oo Gaadhi Tekniko ah gacantiisa ku wada ayaana kamid ah muuqaalada Cajaladaasi. Kamarada M.C.Shide waxa kale oo ay gaadhay  fadhiisinadii iyo Saldhigyadii  Ciidamada Xoreynta SNM Bari iyo Galbeed.

Markii lagu guuleystay Halgankaas, isla markaana lagu dhawaaqay Qaranka Somaliland, M.C.Shide wuxuu markale  dhexda  u xidhay dhismihii Dalka, iyo sidii looga soo kaban lahaa burburkii ka dhashay Dagaaladaas, maadaama aanay jirin  adeegyadii aas-aasiga ahaa ee   Nolosha iyo horumarka bulshadu ku xidhnaa, talaabooyinkii u horeeyay ee uu qaadayna waxaa kamid ahaa Aas-aaska shirkadda Telefoonada ee SOLTECO.

Markii ay hawlgashayna si weyn u dabooshay baahidii  Isgaadhsiineed ee dalalka jaarka loo tegi jiray,

Sidoo kale M.C.Shide wuxuu soo Iibiyey Madbacad si casri ah u samaysa Noocyada  kala duwan ee Buugaagta iyo Dhukumentiyada   oo dalka debediisa laga soo samaysan jiray  Dalabkooduna  dhib iyo culays badan lagala kulmi jiray. Ka hor intaan la rakibin Madbacada waxaa jiray  heshiis ay wada gaadheen  Aas-aasayaashii Wargeyska JAMHUURIYA  oo kala ahaa Faysal Cali Sheekh Maxamed

Xasan SIciid Yuusuf iyo

Ibraahin Muxumed Aw Axmed. Iyo M.C. Shide waxaana laysku afgartay  Balaadhinta  qaabka daabacaada Wargeyska Jamhuuriya ooh ore ugu soo bixi jiray Waraaqaha A4 Zise-ka.

2.11.1995 ayaa  Markii ugu horeysay Indhaha lagu kala qaaday Wargeyska Jamhuuriya oo u samaysan qaab casri ah. Oo lamid ah Jaraa’idka Caalamka. Inkastoo waayahaasi uu jiray Sicir barar balaadhan oo si weyn u taabtay dhaqaalaha Nolosha Somaliland. Waxaa  dhamaanba Agabka daabacaada jaraa’idku laga  soo iibin jiray dalka Debediisa Lacag adag ayaana ku bixi jirtay gaar ahaan Bilaydhada, waraaqaha Waaweyn, khadadka, Filimada iyo shay kasta oo lagu shaqeeyo,  mudadaasna  JAMHUURIYA  oo  kabka ugu badan uu jeebkiisa ka bixin jiray M.C. Shide, waxa uu u dhabar adaygay  culayskaasi iyadoo aan qiimo kordhin lagu samayn Iibka Wargeyska Sanadguuradii 5aad ee Wargeyska oo ku beegnayd 17.11.1996,  Allaah ha u naxariistee waxa uu balan qaaday in Caasimadda Hargeysa ay isla saacad wararka iyo dhacdooyinka caalamka la heli doonto London, Paris iyo Newyork, bishii 8aad ee Sanadkii 1997kii  ayaana Balankaasi sidiisii u fulay, Wakaalada Wararka Caalamiga ah ee RUETER ayaana JAMHUURIYA Toos ugu xidhmay, Qiimaha Shabakada INERNETKA ee Xiligaasina waxa uu M.C. Shide ku Iibsaday 80.000 $ (Sideedan kun oo doolar). Iyadoo ay intaasi dheerayd kharashka Isticmaalka oo Bili walba JAMHUURIYA  shubi jirtay 10.000 $ ( Toban kun oo Doolar Maraykanka ah).

Guusha iyo Horumarka JAMHUURIYA ee waayahaasi run ahaantii wuxuu si weyn u wada gaadhay dacalada iyo daafaha Caalamka, sidoo kale Magaca SOMALILAND ayaa isna si weyn ugu baahay  Dunida.

Inkasto Agabka shaqada iyo noocyada kala duwan ee qalabka warbaahinta, waqtiyadaasi uu ahaa mid aad u kooban taya ahaana ka hooseeya  aaladaha casrigan la isticmaalo hase ahaatee kartida iyo Dadaalka Weriyeyaasha Wargeyska iyo khibradda Farsamayaqaanada dhinaca Daabacaada, waxay suurtogeliyeen inuu la tartamo Saxaafada da’da weyn ee Caalamka Horumaray.

Xaqiiqo ahaana raga waayahaasi caynaanka u hayey Qalinka JAMHUURIYA oo ahaa Haldoor aan kala dhicin,  Xidigiha aan weli xusuustayda ka bixin ee aanu  waqtiyadaa soo wada shaqaynay waxaa kamid ahaa AHN Cumar Cabdi Saleebaan oo ahaa Tifatirihii Qaybta Wararka  Debeda.  wuxuu si joogto ah u turjumi  jiray dhamaanba wararka Debeda ee kusoo dhaca Shabakada INTER-NETKA oo aan 24ka saac kala go’i  jirin war kastaana wuxuu lahaa qoraal gaaban oo hoosta ka raaca una baahan in fasiraad buuxda laga sameeyo. AHN Cumar oo asxaabtayada aanu wargeyska kawada shaqaynaa ku Naanaysi jiray INTERNET. Qaabka uu u turjimi jiray dhacdooyinka iyo xogaha isdaba jooga ah ee Shabakadaas kusoo dhaca, iyo hanaanka uu isugu xidho qoraalada, waxa uu run iyo xaqiiq ka dhigay Qoraal bogga hore ee Wargeyska kusoo bixi jiray oo  ahayd  wargelin sheegaysa ‘”SUBAXA HORE KA AKHRISO JAMHUURIYA WARKA GALABTII IDAACADA BBC-DU SHEEGTO””.   Xaalkuna wuxuu isu rogay WAR LA QABAA XIISO MALEH

Waa marka lays barbardhigay warkii Subaxa hore kusoo baxay JAMHUURIYA,  Gelinkii dambana idaacada  BBCdu ku warantay. AHN Cumar Cabdi Saleebaan oo ahaa aqoonyahan si fiican ugu hadla,/isla markaana turjuma 5 luqadood  oo kala ahaa Ingiriisida, Carabiga, Faransiiska, Talyaaniga, Sawaaxiliga, waxa uu hore uga soo shaqeeyay Qaybtii Afka Ingiriisiga ee Idaacadii Radio Muqdisho.  21.4.1999 ayaanu ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo kamid ahaa dhalinyarada Guusha Jamhuuriya ku suntanaa AHN C/risaaq Maxamed,  Hibo saxaafadeed oo Dhalan ah,  ayaanu lahaa suxufi aad ugu wanaagsan dhismaha Wararka, Qoraalka Sheekooyinka, Faalooyinka iyo mawduucyada laga diyaariyo waayaha Siyaasada, waxa kale oo uu aad ugu fiicnaa su’aalaha iyo waraysiyada Kulul, waxaan xusuustaa shir jaraa’id oo ka dhacay qasriga Madaxtooyadda xiligii  M/ Cigaal dhamaanba su’aalihii  la weydiiyey Madax-weynaha waxaa ugu saamayn badnaa  sadex su’aalood oo AHN C/risaaq weydiiyey oo si toos ah u taabaanaayey mawduuca  Arinta uu M/weyne Cigaal ka hadlaayey.waxaanu ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 20.10.2010.

Sidoo kale AHN Maxamed Maxamuud Kastan ayaa kamid ah suxufiyiinta akhristeyaasha aad u xiiseyn jireen Qalinkiisa,   Sumad qoraalkiisuna ahaa MM KASTAN. Mawduuc xiiso badan oo uu cinwaan uga dhigi jiray BUSTAANKA XIKMADA ayaanu wargeyska ku qori jiray,  Bulshaawi   aanay cidna is diidin,  oo Sheeko xariir ah  ayaanu  ahaa,

MM Kastan  muwaadin Somalilander ah  balse ku dhashay kuna barbaaray   Koonfurta Soomaaliya, markii ugu horeysay uu  yimina waa 1991,   Afsoomaaligiisa oo  lahjada lagaga hadlo koonfurta Soomaaliya  ahaa  ayaa  marar badan  ilaaq iyo kaftan uu la kulmi jiray. Waxaan xusuustaa Badhtamihii 1996 Xili M/weyne Cigaal shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada,  markii suxufiyiintii kasoo baxeen Qasriga ayaa nin weriye ahi kula kaftamay Kastam maxaad su’aal u weydiin weyday M/weynaha AHN Kastan ayaa intuu aad u qoslay ku jawaabay “Saaxiiboow meesha dhan waa qasmee Cigaal markii aan hadlo waxaas dhahaayaa waraa kan wala weynta intuu ka yimi… Sheekada dhan  horuu ka bedelaa..)

Rabbi haw naxariistee MMKastan wuxuu ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Bishii Ogos 2014.

Dhinaca kalena JAMHUURIYA waxa uu ahaa Jaraa’idka uga iibsiga badan dhamaanba Wargeysyadii ay isku xiliga ahaayeen in ku dhow 10000 (toban kun oo xabbo) ayaana  si  maalinle ah loo daabici jiray,  30 % ayaana dalka debediisa u bixi jirtay gaar ahaan UAE, ITOBIYA, JABUTI, SOMALIA, sidoo kale wuxuu gaadhi jiray Dalalka Yurub, tirada ugu badan ee kalena  Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland ayay u kala  gudbi jirtay, boqolaal qof ayaana nolol maalmeedkooda kala soo bixi jiray faa’iidada ay ka helaan iibka wargeyska.

Khadar Cabdi Casoowe oo haatan ah Maamulaha Shirkadda Isgaadhsiiinta  SOMTEL ee Gobolka Saaxil, shaqadiisii u horeysay wuxuu ka bilaabay iibinta Jaraa’idka JAMHUURIYA             Sanadahaas oo da’diisu aad u yarayd,  waxa uu ii sheegay inay iibka Joornaalka isku barteen bulsho balaadhan gaar ahaan masuuliyiinta maamulka Dowladda, ganacsadata iyo shaqsiyaad badan oo magac ku lahaa Magaalada,  aqoontaasi oo ii fududaysay inay ii furmaan Albaabo badan oo horumarka danahayga ah.Magaca JAMHUURIYANA wuxuu igu leeyahay Xusuus gaar ah iyo qiimo weyn.

Mubaarig Cismaan Siciid (Mubaarig-Nirig) oo ahaa Wakiilkii ugu dambeeyay wargeyska JAMHUURIYA ee Gobolka Saaxil, haatana ah Maamulaha Shirkadda  SAGAL JET ee Magaalada  Berbera. Oo kamid ah shirkadaha ugu caansan samaynta daabacaada ee waqtigan,  wuxuu ii sheegay in shaqada  JAMHUURIYA ahayd jaranjaradii koowaad ee uu ka qabsado  Saxaafada, waxaanu ka hawlgalay  JAMHUURIYA kadib Afar Telefishin oo kala ahaa SOMSAT TV, STAR TV, SAHAN TV, UNIVERSAL TV.

Wargeyska JAMHUURIYA oo xaqiiqo ahaan la odhan karo wuxuu ahaa Kuliyad ama Akademiyad sare oo aqoon badan laga faa’iidey, xubno badan oo kamid ah Dadkii kasoo shaqeeyey ayaa  waayihii dambe noqday  suxufiyiin Shirkado iyo Xarumo warbaahineed oo caan ah soo kordhiyey, Masuuliyiin iyo madax  bulshada magac ku leh. Halka tiro kalena ay ku dambeeyeen Baayaca-mushtar ganacsigoodu heer wanaagsan gaadhay, Khibradii iyo aqoontii ay ka korodhsadeen JAMHUURIYANA waxay sababtay horumar iyo isbedel  ay ku sameeyaan. Sidoo kale Bahweynta JAMHUURIYA waxa kale oo xubnihii kasoo hawlgalay qaarkood kamid noqdeen Mudaneyaasha Baarlamaanka Somaliland ee codka shacabka ku yimi.

Hadaba anigoo ka faa’iidaysana  munaasabadan    oo kulmisay laba arimood oo kala ah Aas-aaskii Wargeyska JAMHUURIYA oo ku aadanayd 17.11.1991 iyo Taariikhda labaad 9.11.1998 oo ahayd Geeridii Rabbi haw naxariistee M.C.Shide oo ahaa Gudoomiyihii Shirkadda NPP ee soo saari jirtay Wargeysyadda JAMHUURIYA iyo The REPUBLICAN.  damalkii suurtogeliyey Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland,  oo maalintii uu geeriyooday  loo aqoonsaday Maalinta Saxaafadda Somaliland.

Waxaa kale oo xusid iga mudan Saaxiibadii iyo xubnihii ka tirsanaa Bahda JAMHUURIYA ee Geeriyooday oo aan ugu ducaynayo in Rabbi naxariistii jano ka waraabiyo Dhamaantood.

Xaqiiqoo ahaana waxay ahaayeen dad mudan in Magacooda lagu xardho Qalin Dahaba iyo Diiwaan xariira marka dib loo qiimeeyo hawshii cuslayd ee ayaamihii noloshooda ay kasoo qabteen Horumarka Saxaafadda  gaar ahaan Wargeyska JAMHUURIYA.

  1. Maxamuud Cabdi Shide Gudoomiyihii NPP
  2. Cumar Cabdi Saleebaan Weriye
  3. Muuse Aadan Yuusuf/ Weriye
  4. Fu’aad Ciise Yuusuf/weriye
  5. Siciid Ismaaciil Guraase/Weriye
  6. C/risaaq Maxamed Dubad/Weriye
  7. Maxamed Maxamuud Kastan/Qoraa
  8. C/Weli Faarax Jaambiir/Weriye
  9. Xariir Faarax Ducaale/Weriye
  10. Ismaaciil Ibraahin Qodax/Weriye
  11. Mustafe Ibraahin Axmed Farsamayaqaan
  12. Yuusuf Qalinle Xirsi Farsamayaqaan
  13. Maxamed Xasan Shiine Agaasimihii NPP
  14. Maxamuud Cali Qodax Weriye
  15. Maxamed Ibraahin Axmed (Laba-qumac) Weriye
  16. Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Weriye
  17. Maxamed-Rashiid M. Faarax Weriye
  18. Xasan Cali Cawaale Farsamayaqaan
  19. Axmed Jaamac Aar (Sawirqaade/layout designer)
  20. Siciid Cali Giir Qoraa
  21. Caasha Ismaaciil Nadiifiso.

Inkastoo aan qoraal kooban lagu soo ururin karin waayihii iyo xaaladihii Jamhuuriya waxaan la dafiri karin kaalinta uu ku lahaa horumarka Somaliland iyo dhismihii Qaranka.

Leave a Reply