Liverpool oo la Xaraashayo iyo Shaqsiyaadka ugu Cadcad ee la Filayo inay Iibsadaan

0
259

Maalqabeenka Maraykanka ah ee John W Henry ayaa shaaciyey qiimaha ugu dambeeya ee uu ku iibinayo kooxdiisa Liverpool oo shalay suuqa lasoo dhigay, taas oo saamiga ugu badan uu isagu ku leeyahay inkasta oo ay jiraan shaqsiyaad kale oo saamiileyaal ah.

Shirkadda John W Henry ee Fenway Sports Group (FSG) ayaa shirkadaha maalgelinta ee Goldman Sachs iyo Morgan Stanley u xil-saartay inay iibiyaan kooxdan oo sannadkii 2010 uu John W Henry kula wareegay £300 milyn oo Gini.

Sababaha uu Henry u go’aansaday inuu iibiyo Liverpool ayaa lagu sheegay inay ka mid tahay, fashilkii ku yimid qorshaha tartankii European Super League oo ay ka mid ahaayeen 12 kooxood oo waaweyn oo sannadkii hore doonayay inay samaystaan tartankaas, balse ay taageereyaashu gadood kala hor yimaaddeen. Haddii tartankaasi dhaqan-geli lahaa, waxay kooxaha waaweyn ee Yurub samayn lahaayeen lacago aad u badan.

Waxa kale oo la adareensan yahay in Henry uu hadda arkayo inuu faa’iido aad u badan helayo haddii uu iibiyo Liverpool isaga oo halbeeg ka dhiganaya lacagtii lagu iibsaday Chelsea horraantii sannadkan.

Sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegtay, John W Henry waxa uu ku iibinayaa Liverpool laga gaadhaysa £4 bilyan oo Gini, waxaanay waxyar ka hoosaysaa Chelsea oo bishii May ee sannadkan oo Todd Boehly iyo maalqabeenno kale ay Roman Abramovich kagala wareegeen £4.25 bilyan oo Gini.

Liverpool waxa saamiyo ku leh shirkadda RedBird Capital Partners oo sannadkii hore iibsatay 11% saamiyada kooxda iyaga oo ku bixiyey £538 milyan oo Gini oo ay u shubeen Henry.

Shaqsiyaad dhawr ah ayaa la hadal hayaa in ay doonayaan inay iibsadaan Liverpool, waxaana ugu horreeya maalqabeenka reer Britain ee Sir Jim Ratcliffe, balse sidoo kale daneeyeyaal Maraykan iyo Bariga Dhexe ah ayaa iyaguna doonaya

Leave a Reply