Madaxweynaha Somaliland iyo 14 Dal oo Yurub’Maraykan iyo Ingiriis ah oo ka Wada Hadlay Ammaanka Mandaqada iyo Doorashooyinka Somaliland

0
190

Hargeysa-(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Muuse Biixi Cabdi iyo safiirada afar iyo toban dal oo ka kala socday Yurub, Maraykan,Midawga Yurub  iyo Ingiriis,ayaa ka wada hadlay hawlaha gargaarka aadamino ee dalalkaasi ay ka taageeraan Somaliland,arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan ammaanka mandaqada iyo doorka Somaliland.

 

Kulanka oo ahaa  habka maqalka iyo muuqaalka,ayay Afar iyo Toban Safiir Iyo ku xigeeno Isugu Jira. Iyo Madaxweynaha Somaliland dhammaan arrimaha ay kaga wada hadleen ayaa ku soo dhammaaday is faham 14 ka. Safiir iyo Madaxweynaha Somaliland isku af-garteen in la sii xoojiyo wada shaqaynta dalalka ay a socdeen Safiiradu iyo Somaliland.

 

Kulan shalay Madaxweynahu la yeeshay dublamaasiyiinta wadamadda innaga taageera doorashooyinka ayaa  lagu lafo-guray, hawlaha gargaarka binu-aadannimo, dar-dargelinta iyo xoojinta mashaariicda ay hore uga wadeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka.

 

Dublamasiyiinta kulanka ka qeybgalay ayey ka mid ahaayeen Safiirada Midowga Yurub Tiina Intelmann, Belgium Peter Maddens,  Denmark Steen Sonne Andersen,  Finland  Pirkka Tapiola,  Faransiiska Arnaud Suquet,Ireland  Fionnuala Quinlan,  Italy Alberto Vecchi,  Norway Gunnar Holm, chargé d’affaires Haakon Svane,  Sweden Per Lindgärde, Germany Sascha Kienzle, Safiir-xigeenka Netherlands, Safiir-xigeenka Maraykanka Laurie Visser, Anthony Diaz, Wakiilka Xafiiska UK ee Hargeysa Lizzie Walker, Xoghayaha koobaad ee Safaarada Canada Robert Bunbury.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply