Maayer Ciddin oo Sheegay in Adeegga Laydhka Berbera meel Fiican marayo

0
133

Hargeysa (Dawan) Duqa degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin, ayaa sheegay in adeeg bixinta laydhka ee ay helaan qaybaha kala duwan ee magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil uu hadda marayo halkii  ugu wanaagsaneyd abid.

Hadalkan maayerka magaalada Berbera ayaa ku soo beegmaya xilli inta badan ay ka cawdaan bulshaweynta magaaladaasi, laydhka oo qaali ah, iyada oo ay dhul xeebeed tahay aad ugu  baahan laydh jaban oo bulshadu ay wada awoodi karto..

Waxaanu yidhi.“Laydhku marka hore nolosheena ayuu ka mid yahay waxaan ku garaadsaday oo aan ku dhididay shaqaystayna waa laydh oo aan ka xoogsaday, laba iyo labaatan sano ayaan maamulayay laydhka.

Laydhka magaalada Berbera maanta maalin uu ka wanaagsan yahay ma jirto, abidkayna maan arag 2007-dii markii aniga la iga qaadayay 0.4 iyo 0.9 ayaa lagu iibinayay dawladdu markii ay la wareegtayna 0.8 iyo 0.9 ayay ka dhigtay”

 

 

Leave a Reply