Dib u Eegista Manhaka Qaranka Somaliland oo laga Daahfuray Borama

0
220

Borama (Dawan):-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ka daahfuray dib u eegista Manhajka dawliga ah iyo shirka   la tashiga daneeyayaasha waxbarashada aasaasiga ah.

Munaasibad loo qabtay shirka dib u eegista loogu sameynayay    Manhajka Qaranka, waxa goob joog ka ahaa wasiirka waxbarashada, guddoomiyaha gobolka Awdal, daneeyayaasha waxbarashada, macalimiin laga soo kala xulay dugsiyada degmooyinka Boorama, Saylac iyo Gabiley.

Ugu horrayn agaasimaha waaxda Manhajka Qaranka Maxamed Cali Cumar ayaa sheegay in muddadii u dhaxaysay 2015 ilaa 2022 ay tahay markii ugu horraysay ee dib u eegis lagu samaynayo manhajka qaranka, iyadoo la doonayo in manhajku uu noqdo mid  soo saara qofkaynu u baahanayn.

 

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Boorama ay nasiib u yeelatay furitaanka isla markaana lagu qaban doono dhamaanba gobollada dalka.

 

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Caalin (Tiimbaro) ayaa wasaaradda waxbarashada ku ammaanay dedaalka ay ugu jirto sidii loo heli lahaa manhaj ku habboon ubadkeena.

Wasiir ka Wasaaradda Waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo shirkaasi furay ayaa sheegay in qorshaha wasaaraddu ay ka leedahay shirku ay  tahay in laga soo saaro manhaj tayaysan si loo helo arday tayo leh, iyada oo   tusaale loo qaadanayo  diinta islaamka iyo dastuurka qaranka.

Leave a Reply