Wasiirka Warfaafinta oo Warbaahinta ugu Baaqay Qaadashada liisanka Ganacsiga Mihnada Saxaafadda

0
216

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa si rasmiya shaaca uga qaaday  qaybaha kala duwan ee warbaahinta looga baahan yahay in ay qaataan liisanka ganacsi ee xagga mihnada saxaafadda.

Waxa uu warbaahinta qaybaheeda kala duwan ku wargeliyay in ay iska xaadiriyaan hay’addaha dawladda ee ku shaqada leh, kana soo qaataan liisanka ganacsiga, ciddii ka hor timaadana sharciga lala tiigsan doono.

Waxa uu xusay in hore ay ganaaxyo lacageed oo kala duwan ugu rideen qaar ka mid ah warbaahinta dalka ka hawlgasha, isla markaana lacagtii laga qaaday aanu isagu qaadan balse lagu shubay xarunta cashuuraha berriga ee wasaaradda horumarinta maaliyadda.

Waxaanu yidhi.“Dhammaan nooc ay  tahayba warbaahinta waxaan ka codsanayaa inay qataan liisanka lagu shaqeysto iyo hay’addaha ku shaqada lehba, kawada qaataan.

Hadday tahay wasaaradda warfaafinta, hadday tahay wasaaradda ganacsiga iyo xeer ilaalintaba, saddexda hay’addood ayaa shaqo ku leh, qofkii arrintaasi ka horyimaadana waxa la waafajindoona sharciga Qaranka, cabashadeenuna way badnaanaysaa, qaarbaanu 10-kun oo dollar ku ganaaxnay, qaar na  5-kun oo dollar ayaanu  ku ganaaxnay, ma qaato anigu shaqana kuma lihii, xarunta cashuuraha beriga ee wasaaradda maaliyada ayaa lagu bixiya lacagta.

Tan hadda aan leeyahay hala qaatana waa mid wasaaradda maaliyaddu qaadayso, sharcigana saddexda waaxood ee dalka ayaa bixiya, waxaan uga gudbayna aan wada shaqayno, haddii aynu wax isu sheegno macnaheedu maaha in aynu is neceb nahay, ehelbaynu nahay, wiil iyo adeer tolbaynu nahay, Qaranbaynu nahay”

Leave a Reply