Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Wariyeyaasha Dalka usoo Jeediyay ka Fogaanta Qala Qaybinta Dadka

0
214

Hargeysa (Dawan):-Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),ayaa usoo jeediyay wariyeyaasha dalka in ay ka fogaadaan wax kasta oo bulshada kala qaybinaya ka hadalkiisa iyo tebintiisa.

Waxaa kale oo uu ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan kor u qaadista aqoonta wariyeyaasha iyo tababarkooda.

Halka uu wariyeyaashana ku dardaaray in aanay siyaasadda oo keliya ka shaqaynin ka hadalkeeda iyo gudbinteeda ee ay xoogga saaraan ka shaqaynta wararka umadda wax u taraya ee dalka dhisaya iyo arrimaha bulshada.

Mudane Saylici oo  ka qaybgalay shalay Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland iyo Abaalmarinta toddobaad    ee Cawke 2022 oo lagu qabtay Xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

Cabdiraxmaan Saylici madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ku baraarujiyay in ay wariyayaasha ku tababaraan sidii xogo hufan oo bilaa turxaan ah ay bulshada ugu tabin lahaayeen, isla markaana dhaqan wanaagsan oo ku dayasho mudan u yeelan lahaayeen.

Geesta kale waxa uu wariyeyaasha ka codsaday in aanay ku koobnaanin dhalliilaha iyo kawaranka siyaasadda, balse ay isu taagaan sidii ay uga warami lahaayeen arrimaha bulshada.

waxaanu yidhi.“Maanta(shalay) waa maalin weyn waa maalin mudan in la ixtiraamo xoriyatul Qowlka xuquuqal iinsaanka bulshada reer Somaliland, in la is xaq dhawro, SOLJA na waa in ay wariyeyaasha ku tababarto in ay dhaqan wanaagsan yeeshaan oo ay wax ku qoraan ama wax ku sheegaan, si aanay ugu koobnaanin dhaleecaynta, ama wax ka sheega siyaasadda, in ay xooga saaraan ka waranka barnaamijyada arrimaha bulshada.”

Gaba’gabadii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa abaal marino siiyey Suxufiyiin ku tartamay Barnaamijyo la xidhiidha arrimaha bulshada.

Leave a Reply