Maxaa ka Jira in Qatar Malaayiin Dollar oo Laaluush ah ay Siisay Madax Afrikaan ah, si ay uga Caawiyaan Martigelinta Koobka Adduunka?

0
183

Saddex masuul oo sare oo Afrikaan ah ayaa lagu eedeeyey in ay lacago laaluush ah ka heleen dawladda Qatar xilligii uu dalkaasi tartanka ugu jiray martigelinta Koobka Adduunka.

Warbixin uu helay wargeyska The Sun ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska ayaa waxay soo bandhigtay xogo si taxane ah looga baahiyey Netflix oo lagu soo bandhigay waxyaabaha dahsoon ee ka jira gudaha FIFA.

Phaedra Almajid oo ahaa madaxa qaybta warbaahinta ee  intii uu socday tartankii uu waddanka Qatar ugu jiray martigelinta Koobka Adduunka, ayaa waxa uu sheegay in madaxweynihii hore ee xidhiidhka kubadda cagta Afrika ee Issa Hayatou, Jacques Anouma oo ahaa madaxa xidhiidhka kubadda cagta Ivory Coast iyo Amos Adamu oo reer Nigeria ahaa in la siiyey lacag gaadhaysa $2.3 milyan oo dollar, si ay ugu codeeyaan Qatar, isla markaana ugu ololeeyaan.

Qatar ayaa tartanka kula jirtay waddamada sida Australia, Japan, South Korea iyo Maraykanka oo ay dhamaantood kaga guuleysataya, waxaana uu Almajid sheegay in Hassan Al Thawadi oo ololaha u qaabilsanaa Qatar in uu xidhiidhada Afrikaanka ah siiyey lacago badan.

Leave a Reply