Sadio Mane oo ka Maqnaanaya Koobka Adduunka

0
153

Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa ka maqnaanaya Koobka Adduunka ee dhamaadka toddobaadka dambe bilaabmi doona kaddib markii uu dhaawac soo gaadhay xalay, kaas oo la xaqiijiyey in uu sabab u noqon doono in uu sidaas kaga maqnaado Koobka Adduunka.

Sadio Mane ayaa garoonka laga saaray kulankii Werner Bremen iyadoo 20 daqiiqadood oo kaliya socota ciyaartu, waxaana wadnaha farta ku haya taageereyaasha xulkiisa Senegal iyo kuwo kale ee Afrikaanka ah ee rajada weyn ka qaba in Senegal ay guul kasoo hoynayso Koobka Adduunka.

30 jirkan ayaa uu dhaawacu ka gaadhay lugta, waxaana garoonka dhexdiisa ugu yimid dhakhaatiirta oo daaweeyey, hase yeeshee waxay gaadheen go’aan ah in la beddelo.

Sida uu qoray wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska, Sadio Mane oo lugta midig ka dhaawacmay ayay xaaladdiisu adag tahay, waxaanu garoomada ka maqnaan doonaa dhawr toddobaad taas oo ka dhigan in aanu ka qayb-geli doonin Koobka Adduunka.

Xulka qaranka Senegal oo ku jira Group A ayaa waxay ciyaartooda koowaad la ballansan yihiin Netherlands marka ay taariikhdu tahay November 21, halka kulanka xigana ay November 25 waajihi doonaan Qatar ka hor inta aanay Ecuador ciyaarta ugu dambaysa group-kooda foodda is-darin.

Leave a Reply