Xiddigaha ugu Da’da Weyn ee ka Qayb Gelaya Koobka Adduunka Sanadka

0
307

Bilawga koobka adduunka ayay inaga xigaan lix maalmood, iyada oo xulalka intooda badani ay ku dhawaaqeen xiddigaha ay kaga qayb gali doonaan koobka adduunka.

Waa riyada xiddig kasta inuu ciyaaro koobka adduunka isla markaana matalo dalkiisa masraxa ugu weyn adduunka kubada cagta marka la joogo.

Waxa jira xiddigo da’yar ah oo aad u badan kuwaas oo ka qayb gali doona koobka adduunka Qatar 2022 isla markaas xulkooda matali doona.

Laakiin sidoo kale waxa jira xiddigo waaweyn oo khabiiro ah kuwaas oo ciyaari doona koobka adduunka sanadkan.

Haddaba waxaanu halkan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha ugu da’da weyn ee sanadkan ka qayb galaya koobka adduunka Qatar 2022.

  1. Atiba Hutchinson (Canada) – 39 sano iyo 9 bilood
  2. Pepe (Portugal) – 39 sano 8 bilood
  3. Eiji Kawashima (Japan) – 39 sano 8 bilood
  4. Dani Alves (Brazil) – 39 sano 6 bilood
  5. Thiago Silva (Brazil) – 38 sano hal bil
  6. Cristiano Ronaldo (Portugal) – 37 sano iyo 9 bilood

Leave a Reply