Kylian Mbappé oo Qirtay inuu ku Sigtay inuu ka Fadhiisto Ciyaaraha Caalamiga ah iyo Sababta Keentay

0
146

Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa qirtay inuu u dhowaaday inuu iskaga fadhiisto ciyaaraha caalamiga ah oo aanu mar dambe u dheelin xulkiisa France kaddib tartankii Euro 2020 oo lagula kacay cunsuriyad iyo aflagaaddooyin ku riixayinuu ka fikiro inuu tiiriyo kabaha oo uu kaliya u go’o naadiyada.

Kylian Mbappe ayaa khasaariyey rikoodhe ciyaartii Switzerland ee wareegga 16ka Euro 2020, taas oo keentay in lagu canaanto baraha bulshada oo ay taageereyaashuna cunsuriyeeyaan.

Waxa uu Mbappe waqtigaas la hadlay Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska ee Noel Le Graet oo uu ku eedaynayay in aanu ka helin taageero xilli uu u baahnaa inay difaacaan oo ay kusoo dhacayeen farriimo hanjabaad iyo cunsuriyad ah.

23 jirkan oo ay warbaahintu wax ka weydiisay dhibaatooyinkii uu la kulmay kaddib Euro 2020, ayaa yidhi: “Waxa aan idhi, ‘uma ciyaari karayo dad u malaynaya in aan daanyeer ahay. Waxay ila tahay in aan tusaale u ahay qof walba. Kani waa warka Faransiiska …. Sababtaas ayaanan isku dhiibin oo aanan u joojin inaan u ciyaaro xulka France, waayo waa farriin aan u dirayo jiilka da’da yar ee maanta, waxaanan leeyahay ‘waynu ka xoog badanahay intaas’.”

Mar la weydiiyey inuu isku arko inuu yahay Faransiis iyo in kale, waxa uu ku jawaabay: “Waxa aan dareemayaa in aan ahay Faransiis sababtoo ah waxa aan ku dhashay France, waxaanay isiiyeen fursaddan aan sida

Leave a Reply