Wajigii labaad ee Dib u Eegista Manhajka Dawliga ah oo lagu qabtay Hargeysa

0
152

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa ayaa magaalada Hargeysa ku qabatay dib u eegista manhajka dawliga ah iyo shirka la tashiga daneeyayaasha waxbarashada aasaasiga.

Shirk u saabsan dib u eegista Manhajka Qaranka Wajigiisii labaad ayaa ka furmay caasimadda Somaliland ee Hargrysa, kaas oo ay ka soo qayb galeen gobollada Maroodijeex, Saaxil iyo Hawd, halka furitaankiisana lagu qabtay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal,  oo ay kaga soo qayb galeen gobollada Awdal, Sellel iyo Gabiley.

Waxaana munaasibadii loo qabtay gorfaynta dib u eegista man hajka dawliga ah iyo shirka la tashiga daneeyayaasha  hadalo kala duwan ka jeediyay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Cabdixakiin Siciid Muuse, agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Cabdirisaaq Jaamac Nuur iyo agaasimaha waaxda Manaahiijta wasaaraddaasi Maxamed Cali Cumar, iyaga oo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la helo manhaj tayo leh oo wax weyn ka baddela geedi socodka waxbarasho ee dalka Somaliland.

Leave a Reply