Macalinku Waa Muhiim

0
431

Xiisadda dhexdeeda isagoo macalinku casharka sharaxiisa wada ayu arday ka mid ardayda yar yare e fasalka gam’ay . Macalinka ayaa canaantay waxaana uu cod dheer ku yidhi “ Waxaad ku soo jeeday daawashada TV-ga markaasi ayaad fasalka dhexdiisa ku gam’aysaa oo casharkii ku dhaafa”.

 

Ardayga ayaa intuu eegay dhoola cadeeyay. Macalinka oo aad u cadhaysan kana soo qaaday inuu ku jeesjeesayo fasalkana ka saaray.

Laakiin markii u fasalka ka baxay wiilka yari ilmo ayaa indhihiisa ka da’aysay. Qofna ma oga inuu ku soo jeeday aabihii oo aad u xanuunsaday habeenimadii waxaan uu siinayay Dawo.

Is Deji, oo Arrin kasta, maaha muuqaalka kuu muuqda keliya. Mar kastana dhinaca wanaagsan ka eeg arrimaha

Leave a Reply