Aadamigu Ma Xaaladaha Ayuu Isla Bedelaa?!

0
296

Tijaabada xabsiga Stanford (SPE) waxay ahayd tijaabo nafsi (psychological) ah oo la sameeyay xagaagii 1971.

Waxa ay ahayd tijaabo loogu talo galay in ay socoto laba toddobaad, taasi oo lagu eegayay saamaynta xaaladuhu ay ku keenaan Aadamiga iyo falcelinta dabeecadaha ka qaybgalayaasha.

Tijaabadan waxa hogaaminayay Macalinka cilmi nafsiga ee Jaamacadda Standford Prof.Philip Zimbardo. Ardayda ayaa loo sameeyay ogaysiis iyo xayaysiis lagu baahiyay warbaahinta oo ah in ay soo qortaan kuwa doonaya in ay ka qayb qaataan tijaabadan, taas oo ahayd daraasada cilmi nafsi ah oo xabsiga ah.

Ka dib markii la xulay dadakii soo qortay waxa laga  baxay 24 Arday iyadoo lagu xushay xasiloonad iyo degenaanta nafsiga ah ee leeyihiin waxaana loo kala qaybiyay 12 laga dhigay maxaabiisa iyo 12 kale oo askarta ilaalinaya laga dhgay.

Mutadawaciinta loo doortay inay noqdaan “Ilaaliyaasha maxaabiista” ayaa loo xidhay dirays gaar ah si looga garto maxaabiista, waxaana la faray inay ka hortagaan maxaabiistu in ay isku dayaan in baxsadaan.

Maxaabiistana waxa loo xidhay dirays u gaar ah. Tijaabada ayaa si rasmi ah u bilaabantay markii “maxaabiista” ay xidheen booliiska dhabta ah ee Palo Alto. Shantii maalmood ee ku xigtay xadhigooda, waxa yaab noqotay xadgudubka nafsaaniga ah ee maxaabiista ay ku hayaan “ilaaladdu ” waxaana ay noqotay mid arxan darro, waayo waxa ay isu qaateen in ay yihiin ciidaan ilaalo oo dhab ah, kooxda kalena maxaaabiis ay ilaalinayaan oo haddii aanay ciqaabin ay isku deyayaan in ay baxsadaan. Christina Maslach oo booqatay si ay u qiimeyso xaaladaha, way ka xanaaqday inay aragto sida ka qaybgalayaasha daraasadda ay u dhaqmayaan, iyadoo ilaalidu aanay lahayn wax naxariis ah. Christina Waxa ay la kulantay hogaamiyaha tijaabdan Mr.Zimbardo, taasi oo marka la ogaaday in metelaadii tijaabada ay ahayd fashil ku dhodahay la soo afjaray, waayo maxaabiista qaarkood waxa ku dhacay xanuuno nafsaani iyagoo aaminay in ay yihiin maxaabiis dhab ah oo haddii ay isku dayayaan in ay baxsadaan la ciqaabi doono.  Siaa darted tijaabad loogu talo galay labada toddobad waxax lagu soo afjaray muddo lix maalmood oo keliya ah.

Inkasta oo dd badani dhaleecyeen daraasaddan oo ay ku sheegen mid aan si cilmiyaysan loo samaynin, haddana waxa cadaatay sida Aadamigu isula bedelo xaaladaha mar keliya xataa haddii ay tahay tijaabo metelaad ah.

 

Leave a Reply