Isku aadka Tartanka Kooxaha Degmooyinka Caasimadda Hargeysa oo lasoo Saaray

0
147

Masuuliyiinta ugu sarreysa xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ayaa daahfuray isku aadka tartanka kooxaha degmooyinka caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Tartankan oo ay ka qaybgalayaan kooxaha ka dhisan siddeedda degmo ee ay ka kooban tahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Kooxahan oo loo qaybiyay laba Guruub, kooxda difaacanaysa koobka kooxaha degmooyinka caasimadda ee Maxamed Mooge ayaa ku jirta Group A.

Munaasibadda lagu daahfurayay tartanka kooxaha degmooyinka caasimadda ayaa waxa kale oo ka hadlay isu-duwaha gobolka Maroodi-jeex ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Ugu horeyn munaasibadda waxa ka hadlay isu-duwaha gobolka Maroodi-jeex ee wasaaradda ciyaaraha Nasrudiin Aw-ciise Kaahin, waxaanu yidhi “Koobkani waa markii labaad ee si xidhiidh ah loo qaban doono, inta ka dambaysana ka wasaarad ahaan siyaasaddayadu waxay tahay inuu joogto noqdo.”

Guddoomiye ku-xigeenka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Khadar Jiilaal ayaa isna hadalkiisa wax aka mid ahaa. “Maanta (shalay) waxaynu halkan u joognaa shaqadii xidhiidhka kubadda cagta loo igmaday ama qorsheyaashii xidhiidhka ee sannadka inta ka hadhay oo uu ka mid yahay koobka degmooyinka caasimadda, waxaanu bilaabmi doonaa 20-ka bishan”

Isku aadka tartankan oo loo qori tuuray ayay kooxaha ka dhisan siddeeda degmo ee caasimaddu waxay isugu beegmeen sidan:

Group A

Gacan Libaax

Axmed Macalin Haaruun

31-ka May

Maxamed Mooge

Group B

Axmed Dhagax

26 June

Ibraahim Koodbuur

Maxamuud Haybe

Leave a Reply