Tirada Garsooreyaasha Dumarka ah ee ay FIFA u soo Xushay Koobka Adduunka

0
194

Koobka adduunka ee Axadda soo socota ka furmaya waddanka Qatar waxa qayb ka ah garsooreyaal dumar ah oo ay FIFA usoo xulatay, waana markii koowaad ee tartanka ugu weyn kubadda cagta ay gabdho qabtaan.

36 garsoore oo qaarada kala duwan ee dunida laga soo xulay ayaa qabanaya kulamada Koobka Adduunka, waxaanay saddex ka mid ahi yihiin haween durba iska xaadiriyey bariga dhexe oo isku diyaarinaya Koobka Adduunka.

Mid ka mid ah garsooreyaasha dumarka ah waa Stephanie Frappart oo sannadahahan dambe ahayd hormoodka haweenka garsooreyaasha ka ah kubadda cagta. Waa 38 jir saamayn badan ku leh garsooreyaasha haweenka ee kubadda cagta, iyadoo loo diiwaangeliyey rikoodho badan.

Sannadkii 2011 ayay Frappart garsoore ka noqotay horyaalka aheerka saddexaad ee Faransiiska, waxaana sannadkii 2015 loo doortay inay ka mid noqoto garsooreyaashii Koobka Adduunka haweenka ee lagu qabtay Canada.

2019 ayay noqotay gabadhii ugu horreysay ee garsoore ah ee qabata kulan ka tirsan horyaalka  waddanka Faransiiska ee Ligue 1, waxa kale oo ay qabatay UEFA Super Cup iyo kulamo ka  tirsan Champions League.

Sannadkii 2022 ayaa Frappart loo doortay Finalkii Coupe de France ee Nantis ay 1-0 ku garaacday Nice ee ka dhacay garoonka Stade de France, ugu dambayntiina waxa ay ka mid noqotay garsooreyaasha dumarka ah ee Koobka Adduunka ee Qatar 2022 ka qayb-gelaya. Waxa kale oo ku wehelin doona Yoshimi Yamashita oo u dhalatay Japan iyo Salima Mukasanga oo u dhalatay Rwanda.

Leave a Reply