Xikmadaha

0
187
  • Dhibaatada daacaadku way dhamaata, laakiin waxa kuu hadhaya abaalkeeda, macaanka macasidu wuu tagaa laakiin ciqaabkiisa ayaa ku sugaya.
  • Afara arimood yartaantooda ayaa ku dhibta, xanuunka, Fakhriga, Cadowga iyo dabka.
  • Ha degin meel aan dhakhtar ama caalim wax ku baraa joogin.
  • Qofka ku weydiista arrin aanad awoodin, waxa uu rabaa waa Ma hayo.
  • Mar kasta xusuusnow geerida, Noloshaadu way guulaysane. Wanaag same, isaga ayaa dhibaatooyinka gaashaan kaaga noqon.
  • U Mahadnaq Allah (sw) wanaag ayaa kuu kordhiye. Ku sabir dhibaatada Allah (sw) ayaa kaa dulqaadiye.
  • Wakhtiga oo aad lumisaa waa ka dhib badan yahay Geerida, maxaa yeelay wuxu ka goyanayaa Allah iyo Aakhiro, laakiin Geeridu waxa keliya ee ay ka goynaysaa waa dunida iyo qoyskaaga.
  • Dadka waxa ugu nacasnimo badan kan ambada marka uu u dhowaado goobtii uu socday

Leave a Reply