Xulalka ka Qayb-gelaya Koobka Adduunka ee Haysta Safafka ugu Qiimaha Badan

0
163

Qiimayn ayaa lagu sameeyey safafka ama ciyaartoyda ay haystaan xulalka ka qayb-gelaya Koobka Adduunka ee 32-ka ah, waxaana kaalinta koowaad ku jira xulka qaranka England oo qiimaha ciyaartoydooda tegaya Qatar ay gaadhayso €1.26 bilyan oo Gini, halka dalka martigelinaya tartanku uu yahay kan ugu hooseeya qiimaynta.

England oo ka mid  ah dalalka sannadkan la sheegayo inay fursadda fiican u haystaan Koobka Adduunka ayaa waxa koob ay qaadaan ugu dambaysay sannadkii 1996kii oo ay Koobka Adduunka ku guuleysteen, waana marka kaliya ee ay tartankan qaadeen.

Ciyaartoyda qiimaha xulka England sare u qaaday waxa ka mid ah Phil Foden oo €110 milyan oo Euro uu qiimihiisu yahay, Jude Bellingham oo €100 milyan oo Euro ah, Harry Kane oo €90 milyan oo Euro ah iyo Raheem Sterling oo qiimihiisu marayo €70 milyan oo Euro.

Brazil ayaa noqotay xulka labaad ee safka ugu qiimaha badan la tegaya waddanka Qatar, waxaanay ka horreeyaan Faransiiska, Portugal iyo Spain oo shanta sare dhamaystiraya.

Halkan kaga bogo qiimaha ciyaartoyda xulalka ka qayb-gelaya Koobka Adduunka:

  1. Qatar – €14 milyan 
  2. Costa Rica – €18 milyan 
  3. Saudi Arabia – €25 milyan 
  4. Australia – €38 milyan 
  5. Iran – €59 milyan 
  6. Tunisia – €62 milyan 
  7. Ecuador – €146 milyan 
  8. Japan – €154 milyan 
  9. Cameroon – €155 milyan 
  10. Wales – €160 milyan 
  11. South Korea – €164 milyan 
  12. Mexico – €176 milyan 
  13. Canada – €187 milyan 
  14. Ghana – €216 milyan 
  15. Morocco – €251 milyan 
  16. Poland – €255 milyan 
  17. United States of America – €277 milyan 
  18. Switzerland – €281 milyan 
  19. Senegal – €288 milyan 
  20. Denmark – €353 milyan 
  21. Serbia – €359 milyan 
  22. Croatia – €377 milyan 
  23. Uruguay – €449 milyan 
  24. Belgium – €563 milyan 
  25. Netherlands – €587 milyan 
  26. Argentina – €633 milyan 
  27. Germany – €885 milyan 
  28. Spain – €902 milyan 
  29. Portugal – €937 milyan 
  30. France – €1.08 bilyan
  31. Brazil – €1.14 bilyan
  32. England – €1.26 bilyan

 

 

Leave a Reply